Wu Conghan oo 101 sano jir ah iyo afadiisa Wu Sognshi oo 103 sano jir ah ayaa xus gaar ah u sameeyey sanad guuradii 88-aad ee guurkooda, iyagoo iska qaaday sawiro gaar ah oo ay ku labisan yihiin dharka sida gaarka ah loogu tala galay inay qaataan caruuska iyo caruusada.

Conghan &Wu Sognshi ayaa sheegay in xiligii guurkooda oo laga joogo 88 sano anaay u helin fursad in iyagoo dharka arooska qaba ay iska qaadaan sawiro, balse ay haatan u heleen fursad inay iyagoo dharkii arooska loogu tala galay gashan ay sawiro xusuus ah iska qaadaan.

Lamaanan da’adooda oo la isku darey ay dhan tahay 204 sano ayaa sanadkii 1924-kii waxay isku guursadeen gobolka Sichuan province ee dalka Shiinaha waxaana ay sheegeen inay sugayaan maalin uun iska qaadaan sawiro iyagoo sida lamaane aroos ah u labisan.

Lamaanahan oo niyadooda ku hayey in ay mar uun iska qaadaan sawiro ayaa waxaa riyadooda u hirgaliyey shirkad dhanak sawirada qaabilsan oo ku taal magaalada Nanchong i ee gobolka Sichuan ee ay lamaanahan ku nool yihiin.

DAAWO SAWIRO

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com