Talaal dhadhaabWasaaradda caafimaadka ee Kenya iyo Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa xeryaha Dhadhaab ka bilaabay olole talaal oo looga hortagayo cudurka Dabeysha.

Arrintan ayaa waxey ka dambeysay kadib markii Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegtay in cudurka Dabeysha uu ka dilaacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab todobaad, kadib markii cudurkaas lagu arkey magaalada Muqdisho.

Kiisaska cudurka Dabeysha ee Dhadhaab ayaa dhaqaatiirta caafimaadka waxey ku sheegeen uggu yaraan afar ”4” ruux inuu ku dhacey cudurkaas, tan iyo markii uu xeryaha ka dilaacey laba todobaad kahor.

Saraakiisha caafimaadka Deegaanka Dhadhaab, ayaa waxey sheegeen in qof waliba oo deegaanka Dhabaab ku nool la talaali doono dhawrka bilood ee soo socota.

Ololaha talaalka ayaa sidoo kale ka socda magaalada Muqdisho, iyo qaar kamid ah gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Talaalka ayaa ah sida keliya ee looga hortagi karo cudurka Dabeysha, oo kamid ah cudurada faafa ee aan loo heyn wax dawo ah.

Cudurkan Dabeysha ayaa waxaa uu sababaa curyaannimo daa’im ah, isagoo haleela Caruurtta in ay ay yar yar yihiin isagoona leh oo keliya ka hortag .

Wariye Baash Cumar Ismaaciil
SBC International Dhadhaab.