Waxaa soo gaba gaboobay kulamadii Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray Tartanka xaafadaha kala ah Xaafada Wadajir Vs Xingood ,

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan kaas oo ahaa mid lagu kalabaxayo oo xaafadii laga badiyaaba ay hareyso, waxaana uu  ugu dambeyntii ku soo dhamaaday oo ayna guushu  raacday xaafada Xingood Qardho iyadoo la timi dhibco dhan 14, halka xaafada Wadajir Garoowe , ay la timo 12 dhibic.

Waxaa sidoo kale caawa wada tartarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Hodan Garoowe Vs 1da Luulyo Boosaaso.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso leh, waxana ay iyaduna aheyd mid xaafadii laga badiyaa ay hareyso, iyadoo ugu dambeyntii ku soo dhamaatay Xaafada 1da Luulyo oo ka hartay Tartanka iyo Xaafada Hodan Garoowe oo u soo baxday wareega 6da Xaafadood.

Sidaadi waxaa caawa u soo baxay wareega sedaxaad ee Tartanka Kediska SBC xaafadaha Hodan iyo Xingood, waxaana habeen dambe la wada sugayaa Tartanka xaafadaha New dhahar Vs Waaberi oo qeybta hore ah iyo Hantiwadaag Vs Biyo kulule oo qeybta Dambe ah.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com