Laanta Hawada Boosaaso iyo Xingood Qardho oo u soo gudbay Wareega 6da ee Kediska SBC

Caawa Tartamo xiiso badan oo ka tirsan tartanka Xaafadaha kediska Ramadaanka SBC ayaa dhacay waxaana ka mid ahaa Tartamadii dhexmaray Xaafadaha Biya kulule Boosaaso Vs Laanta Hawada, iyo Raf iyo raaxo Boosaaso Vs Xingood Qardho.

Inta aysan bilaaban tartamadas ayaa waxaa lagu waday in uu qabsoomo tartan kala bax ah loogu soo bixi lahaa wareegan 12ka kaasi oo dhexmari lahaa xaafadaha Booxaaro Sheerbi Vs Golis Baran, balse ma qabsoomin Tartankaas ka dib markii ay soo xaadiri weyday xaafada Sheebi ku taal ee Booxaaro.

Xiriiro iyo tashi ay ka sameeyeen gudiga tartanka ka dib ayaa waxaa lagu dhawaaqay in xaafada Golis Baran la siiyo Natiijada sidaasna ay ugu soo baxdo wareega 12ka .

Ka dib waxaa loo guda galay Tartamada ka tirsan wareegan oo dhexmaray 4ta xaafadood ee kor ku xusan .

Tartanka ugu horeeya ayaa dhexmaray xaafadaha Biya kulule Boosaaso Vs Laanta Hawada Boosaaso waxaana guushii ay raacday Xaafada Laanta Hawada Boosaaso oo la timid 15 halka Biya kulule ay la timid 14.

Xaafadaha kale ee Tartamay ayaa kala ah Xaafada Raf iyo raaxo Vs Xingood Qardho waxaana guushii tartankaasi ay raacday Xaafada Xingood Qardho oo la timid 12 halka Raf iyo Raaxona ay la timid 14.

Habeen Dambe waxaa jira Tartamo Xiiso badan oo dhexmari doona xaafadaha kala ah, Iftin Baran Vs Qoryacad Qardho, waa qeybta hore halka qeybta dambena ay isku arki doonaan Xaafadaha Rixiis Boosaaso Vs Laan Barwaaqo Uffeyn.

Daalacatey :855

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print