La Yaabka:Madaxweyne isagoo Qudbeynaya Surweelkii ka dhacay (DAAWO VIDEO)

Baraha Internet-ka waxaa dhex mushaaxaya muuqaal laga duubay Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki oo suurku ka dhacay isagoo Qudbad jeedinaya walibana ay hayaan Kaamirooyinka maqalka iyo muuqaalka duuba, ayna horfadhiyaan dad kala duwan oo u khudbanayey.

kibaki_surweel

Madaxweyne Kibaki oo la xarbinaya surweel ceshi

Madaxweyne Kibaki inkastoo si rasmi ah aan loo arkin surweelka dhulka ku dhacay, oo uu ku horgudbanaa miiska Qud
baha waxaase laga arki filimka laga duubay Madaxweynaha oo hoos inta u yara foorarsadey soo laacaya surweelkiisa, isla markaana qof ka mid ah ilaaladiisa oo xaga dambe taagnaa uu ka saacidiyo sidii surweelka uu ugu xiran lahaa si caadi ah.

Kibaki

Mid ka mid ah ilaalada oo isku gadaamay madaxweynaha oo surweelka la hardamaya

Filimka waxaa kaloo ka muuqda Madaxweye Kibaki oo lacabada gacmood kor uga haysta surweelka, isagoo waliba dhoolocadeynaya soona eegaya dhanka Kaamirooyinka iyo dadkii horfadhiyey, waxaana isla markiiba Madaxweynaha wajahadiisa hore isku horgudbay ninkii ilaalada ka mid ahaa oo loo qaatey in uu qarinayo madaxweyne Kibaki oo la tacaalaya sidii surweelka uu u xiran lahaa.

Lama oga in Madaxweynuhu suun la’aan surweelk ka weyn u soo qaatey iyo in isagoo aan si hagaagsan u xiran uu surweelka inta iska xirtey iska yimid goobtii uu ka Qudbeynayey, balse tani waxay ka mid tahay facsharka had iyo goor la soo gudboonaada madaxda caalamka.

Dhawaan ayey aheyd markii laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka wadanka Hindiya la qabtey iyagoo mobile-dooda ka daawanaya filim anshax xumo ah,waxaana la filayaa in xukun la soo taago xildhinadaasi.

Link-ga hoose Guji si aad u daawato filimkan qosolka leh.

Watch Video

SBC News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print