Hazi Abdul Noor oo ah nin waayeel ah oo 120 sano jir ah ayaa loo aqoonsadey caruurska dunida ugu faca weyn ka dib markii uu la aroos galey haweenay isaga cimrigiisa kala bar jirta, oo lagu magacaabo Samoi Bibi.

Arooska 120 sano jirka iyo duqda 60 jirka ah oo ay ka soo qayb galeen 500 oo qof marti ah ayaa wuxuu ka dhacay Tuulada Satghorin oo ka tirsan degmada Patharkandi ee gobolka Bangal ee dalka Hindiya.

Arooskan oo dhacay axadii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Hazi uu taariikhda noqdey qofkii ugu horeeyey ee dunida da’daasi ku guursada.

Mr Nor ayaa guurkan wuxuu noqonayaa kiisii labaad waxaana guurkan uu u go’aansadey ka dib markii ay lix sano ka hor geeriyootey xaaskiisii hore .

Hazi Azir Uddin oo ah wiil uu dhaley 120 sano jirka aroosay ayaa sheegay in Aabahood uu mudo ka dalbanayey in lagu gacan siiyo si uu u guursan lahaa, waxaase uu sheegay in iyaga ay la ahayed wax aan dhici karin in 100 sano qof ka weyn uu si fudud ku heli karo lamaane, balse Uddin wuxuu xusey in ay mudo ka dib ku guuleysteen in ay heleen haweenaydaasi 60 sano jirka ah.

“Ma ahan wax sahalan in 100 sano caruur ka weyn uu helo caruusad uu arooso, laakiin nasiib iyo ILAAH mahadii waxaan helnay hooyo cusub” ayuu yiri Uddin oo wareysi siiyey wargeyska The Times oo India oo ka soo baxa magaalada Delhi ee caasimada wadanka Hindiya.

 Noor wuxuu leeyahay qoys ka kooban 122 qof oo isagu jira wiilal uu dhaley, gabdho uu dhaley, iyo ilmaha ay sii dhaleen ee awoowe u yahay.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com