Kala carar, kabaha ha iga goyn, ha igu soo dul dhicin, cabaaad & ALLOW tan maxaa isoo istaajiyey ayaa ka dhacay gudaha diyaarad hawada ku jirtey kumaan kun oo cagood (Feet) ka dib markii uu diyaarada gudaheeda gaar ahaan dusha tobonaan rakaab ah uu dhex haaday Kabeli ama fiidmiir kaasi oo argagax ku riday dadkii rabaabka ahaa.

Dhacdadan ayaa qabsatey rakaabkii & shaqaalaha diyaarad ay isla leedahay shirkada diyaaradaha Mareykanka ee Delta Airways taasi oo ku jirtey safar duulimaad oo ka ambabaxay magaalada Madison ee gobolka Wisconsin ee bartamah waqooyi ee wadanka Mareykanka taasi oo ku socotey magaalada Atlanta ee gobolka Georgia.

Mid ka mid ah rakaabka diyaarada oo lagu magacaabo Mike Schmidt ayaa filim kaga duubay mobile-kiisa xayawaankaasi duula ee argagaxa ku ridey dadkii rakaabka iyadoo shaqaalihii diyaarada isku soo xireen musqulaha & cabin-ka duuliyeyaashu fariistaan.

Laakiin dhacdada oo oohin badan ka keentey rakaabkii diyaarada saarnaa ayaa ugu dambeyntii waxaa xal keenay mid ka mid ah rakaabka oo geesinimo iska baaray kaasi oo albaabka mid ka mid ah Suuliyada ama musqusha diyaarada furay ka dibna Kabaligii ama fiidmiirtii uu galey isla markaana lagu soo xiray taasi oo neef weyn ka soo goysay rakaabkii oo dhidid iyo oohin ka dhamaatey.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com