Dareenka Warbaahinta waxaa si weyn u soo jiitey dhacdo ka socota wadanka Bulgaria ka dib markii koox isbadal doon ah ay shaaca ka qaadeen in duqa magaalada Varna oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn dalkaasi ay u tartansiin doonaan duqa magaaladaasi dpoorashooyinka soo socda.

Kooxdan oo si weyn uga soo horjeeda Mayorka magaalada oo xukunka hayey tan iyo sanadkii 1999-kii ayaa ku eedeeyey mayor Kiril Yordanov in uu yahay shakhsi ku guuldareysatey xafiiska waxaana ay sheegeen inay caradooda ku muujinayaan inay xukunka kula tartansiiyaan dameer.

Ololalayeesha soo bandhigay fikirkan ayaa dadka u sheegaya in intii ay codkooda siin laahaayeen Kiril Yordanov ay tahay in ay u codeeyaan dameerka u taagan doorashada duqa magaalada, iyadoo dameerkan oo lagu magacaabo Marko uu u sharaxan yahay xisbiga New Bulgaria party iyadoo dameerku uu ka qayb galayo doorashada dhacaysa 23-ka October oo ah bisha soo socota.

Angel Dyankov oo ah madaxa gudiga ololaha doorashada dameerka ayaa yiri “Si la mid ah musharaxiinta iyo siyaasiyiinta xilka duqa u tartamaysa dameer Marko wuxuu leeyahay haybad xoogan, ma ahan beenlow, ma ahan tuug wax xada, wuxuuna shaqadiisa u qabtaa sidii loogu tala galay”.

Laakiin mayor Kiril Yordanov wuxuu sheegay inaanu doorashada la istaagi doonin dameer Marko isagoo si caro leh ugu tilmaamay talaabadaasi mid aad dhaqan xumo u ah.

Halkan ka akhri warbixinta oo ay u hadal hayaan saxaafada Bulgeria

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com