Ilyaas Bare Shiil La-taliyaha Arimaha Soomaaliya ee Dowlada Kenya ayaa Maanta soo Gaaray gudaha Magaalada Garoowe Xarunta Dowlada Puntland ,Waxaana Garoowe kusoo Dhaweeyay qaar Ka mid ah Madaxda Puntland  imaatinkiisa ka dib waxa uu la hadlay Warbaahinta.

Mudane Ilyaas ayaa ka War Bixiyay soo Dhawaynta ka dib Ujeedka Dhabta ah uu Puntland u yimi gaar ahaana Magaalada Garoowe ,Wuxuuna Sheegay  Booqashadiisa Puntland inay ku wajahan Tahay  sidii uu usoo Baran lahaa Deeganadda Puntland iyo Mamulka ka jira Puntland  Howlaha uu hayo , Wuxuuna intaasi ku daray tan iyo intii loosoo Magacaabay xilkaani inuusan imaan Soomaaliya Puntlandna ay noqonayso Goobtii ugu horraysay ee uu Yimaado.

“Waxaa Maanta i Farxad Galisay sidda Wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladuba iigu soo Dhaweeyan Magalada Garoowe waana Mid aanan Hilmaami doonan  Run ahaantii Puntland waa Dhul Nabad Ah oo Degan waxaana Shacabka looga Bahan yahay inay Dhowr sadaan Amaankood” Bari Shiil ayaa yiri sidaasi.

Dhinaca kale Mr. Ilyaas Waxa uu soo Hadal Qaaday Bisha Kowaad ee Sanadka Cusub 2012 Shir looga Hadlaya la Dagaalanka Burcad Badeedka iyo Dhibaatadooda ay Qorshaynayso Dowlada Kenya Inay ku Qabato Dalkeeda ,Waxaana kasoo Qayb galaya Soomaaliya iyo Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya ,isagoona sii Raaciyay xukumadda Kenya inay Garab taagan tahay Joojinta Burcad Badeedka Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukumadda Kenya Ilyaas Bari Shiil ayaa soo Hadal qaaday Habka Wanaagsan ee ay u Shaqayso Xukumadda Puntland wuxuuna ku Tilmaamay hab Wanaagsan oo Shacabka Soomaaliyeed Raali galiyay “Hadii aanu Nahay Kenya Runtii Puntland waa Mamul ka shaqeeyay Nidaam Wanaagsan oo isku keenay Shacabka Soomaaliyeed waana soo Dhawaynaynaa Run ahaantii: Shiil .

Imaatinka La-taliyaha  Arimaha siyaasadda Soomaaliya ee Dowlada Kenya u qaabil  Mudane Ilyaas ee Garoowe ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili Maalmo qura ay ka Harsan yihiin Qabashadda Shirka Wadatashiga Soomaaliya oo lagu Balan san yahay in lagu Qabto Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.

Yusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe