Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka dawlada puntland ayaa waxa uu kadhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari .

Kulankaani ayaa waxa kasoo qayb galay Masuuliyiin kasocda wasaarada caafimaadka dawlada puntland, dhakhaatirta caafimaadka Gobolka bari iyo waliba masuuliyiin kasocda Dagmada Boosaaso .

Waxana uu kulakaani uu ahaa mid wasaarada caafimaadka dawlada puntland ay kusoo bandhigaysay natiijooyinka uga soo baxay baaritaan ay wasaaradu kuwaday Cudurka duumada looyaqaan oo kadilaacay gudaha magaalada Boosaaso kaasi oo ay dad badana ay lajiifaan cistibitaalka way nee magaalada Boosaaso.

Gudoomiye kuxigeenka dagmada Boosaso ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha dagmada Siciid Cabdiraxmaan Garoon waxa uu kamid ahaa masuuliyiinti kahadashay madashaasi waxaana uu talooyin usoo jeediyay Koox ay wasaarada caafimaadka dawlada puntland ay uxil saartay Baaritaanka iyo dabar gooynta cudurka duumada looyaqaan ee kadilaacay Boosaaso .

‘’Kooxdiinaan hada gala howsha kana qayb qaata waxaa lagama maar maan ah inaad kutalagashaan cudurkaan sida aad usoo dabar gooyn lahaydeen kooxdii soo afjari lahayd cudurkaasi inaad noqotaan ayaanu idinka rajaynayna sidaa daraadeed waa inaa dadaalkeeda iyo aqoonteedi oo aan hubo inaad leedihiin waa inaad isku darsataanin ‘’Sidaas waxa yiri Gudoomiye ku xigeenka dagmada Boosaaso ahna siihayaha xilka gudoomiyaha Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Garoon

Waxa uu sidookale uu gudoomiyuhu sheegay inay jiraan koox kale oo iyana loo xilsaaray dabar gooynta cudurka duumada waxana wada abaabulay kooxdaasi wasaarada caafimaadka dawlada Puntland iyo waliba maamulka dagmada Boosaaso sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dagmada Boosaaso ahna siihayaha xilka gudoomiyaha Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Garoon .

Sidookale waxaa iyana kulankaasi kahadlay masuuliyiin ay kamid ahaayen Mukhtaar Maxamed Jaamc oo ah Madaxa mashruuca Duumada Puntland ,Isku duwaha wasaarada caafimaadka Gobolka Baari Siciid Maxamed Waraabe ,Madaxa Xafiiska WHO ee Boosaaso Siciid Maxamed Jaamac,Madaxa Mashruuca Malaria ee Unicef Ali Xassan Maxamed,iyo waliba Dr:Rooble Ismaacil Ciise oo ah madaxa dhakhaatirta Gobolka Bari waxana ay dhamaantood madaxdaasi cod dheer ay kusheegen inay dadaal dheer ay ugu jiraan sidii ay usoo afjari lahaayen cudurka duumada oo saamayn wayn kusheeshay dad yowga kudhaqan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .

Dhawaan ayay ahayd markii ay wasaarada caafimaadka dawlada Puntland ay koox u xilsaartay sidii ay usoo afjari lahaayen,baaritaan dheerna ugu samayn lahayen cudurka duumada oo kadilaacay Boosaso waxana wali socda baaritaanada iyo waliba dadaalka dheer ee ay wasaarada caafimaadka puntland ugu jirto soo afjarida cudurka looyaqaan duumada.

SBC International Boosaaso.