Kulankii ugu weynaa ee looga hadlayay khilaafka Dowladda KMG ah oo Muqdisho ka dhacay iyo baaq loo jeediyay Baarlamaanka Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa ee Dowladda KMG ah, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayay saameynta uu ku yeeshay wada shaqeynta hay’adaha dowladda sida Golaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Dowladda KMG ah, iyadoo xaaladana cirka isku shareertay kaddib markii Guddoonka Baarlamaanka iyo tobaneeyo Xildhibaano ah ay ka qeyb galeen shir wada tashi ah oo Ergeyga QM ee Soomaaliya Ambassador Augustin Mahinga ugu qabtay Soomaalida magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasi oo keentay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kala qeybsamaan.

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulankii ugu weynaa oo ay isugu yimaadeen Odayaasha beelaha Hawiye, Culumaa’udiinka, Xildhibaano, Aqoonyahano, xubno ka tirsan ururrada bulshada rayid ah, haween iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye degan magaalada Muqdisho, kulankaas oo ku saabsanaa in xubnaha kulanka yeeshay ay kulankooda ka soo saaraan bayaan wadajir ah.

Guddoomiyaha Golaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo madasha kulankaasi khudbad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in odayaasha doorkoodu yahay dib u heshiisiin, sidaasi darteedna waxa uu intaasi ku daray in dhibaatada dalka la degtay mudada ka badan labaatanka sano uu yahay khilaafka madaxda Dowlad kasta iyo maamul kasta oo la sameeyo kaasi oo burbur ku dambeynaya.

 “Waxaan dareensanahay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Dowladda” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in Hay’adaha Dowladda KMG ah oo isla shaqeeya ay dani ugu jirto dalka oo dhan, wuxuuna Md. Xaad caddeeyay inay dadaal u gelayaan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa madaxda sare ee Dowladda KMG ah, isagoo ka codsaday madaxda hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda inay gacan ku siiyaan howshaasi.

Xubnaha kulankaasi ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Afhayeenka Golaha odayaasha dhaqanka Hawiye Axmed Diiriye Cali, Guddoomiyaha Golahaasi Maxamed Xasan Xaad, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, qaar ka mid ah aqoonyahanada reer Muqdisho, siyaasiyiin, haween iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo kulankooda ujeedadiisu ahayd sidii loo taageeri lahaa Dowladda KMG ah isla markaana meesha looga saari lahaa khilaafyada soo kala dhex galay hay’adaheeda.

 “Xukuumada waxaan ognahay inay Al-Shabaab ugu gashay godadkii ay qodeen, dalkana maanta wuxuu u dhaxeeyaa Soomaali iyo Shabaab” ayuu yiri Xaaji Muxudiin Xasan Afrax Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka Ex-Banaadir oo sheegay in qowmiyada beesha Hawiye ee shirka isugu timid aysan ku kala raaracin taageerada ay u hayaan Dowladda KMG ah iyo in dalka oo dhan uu ka hirgalo nidaamka dowliga ah. Xaaji Muxudiin Xasan Afrax waxa uu sheegay in ahdaafta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Hawiye ay tahay sidii dalka looga saari lahaa cadowga caalamiga ah ee ku soo duulay, wuxuuna ku booriyay madaxda iyo xubnaha ka tirsan Baarlamaanka ee mucaaradaya Madaxweynaha iyo Dowladda iyagoo sidaas u arkay inay dantoodu ku jirto inay arrimahaas ka tanaasulaan ayna ka qeyb qaataan halganka Dowladda ugu jirto sidii dalka looga saari lahaa cadowga caalamiga ah.

Dhinaca kale Md. Axmed Diiriye Cali Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu diiradda ku saaray in hoggaanka dowladda ay wada shaqeyn dhex marto, isagoona sheegay in khilaafkoodu aanu waxba soo kordhineyn loona baahan yahay in dadka iyo dalka ay mas’uuliyada u hayaan danahooda ka hor mariyaan midooda gaarka ah. “Doorasho xor ah oo shacabka ay ku doortaan Madaxweyne waxaa isbaaro ku noqday amniga” ayuu yiri Md. C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xirnaanshaha xarunta Golaha Baarlamaanka uu sababay in Xildhibaanada kulamo iska soo horjeeda ay ku yeeshaan Hoteelada Muqdisho, isagoona rajo ka muujiyay in haddii uu dib u furmo kalfadhiga Baarlamaanka ay soo afjarmi doonaan gebi ahaanba khilaafka hareeyay hay’adaha Dowladda.

Daawo Sawirada:

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088