Waxaa Soo gaba gaboobay kulankii 2aad ee Maanta musharaxiinta u sharaxan xilka Madaxweyne nimada Soomaaliya ay ku soo bandhigayeen taariikh nololeedkooda iyo weliba Waqabadka ay damacsanyihiin hadii loo doorto xilkaas.
Waxaa ugu dambeeyay Musharaxiinta ka hadlay Kulanka ka dib salaadii Casar markii la isku soo laabtay Musharax Siciid Ciise Maxamed waxaana uu halkaasi ka akhriyay taariikh nololeedkiisa iyo weliba waqabadka uu qabandoono inta uu hayo xilka madaxweyne nimada Soomaaliya waa hadii loo doortee.

Waxa uuna xildhibaanada u sheegay in ay doortaan oo uu siweyn waxka bedel ugu sameyndoono Soomaalia.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay oo xigay Musharax Sakariiye Xaaji Maxamuud oo isagana halkaasi ka sheegay barnaamijkiisa siyaasadeed markii loo doorto xilka madaxweyne nimada Soomaaliya.

Waxaa isna xigay oo hadal halkaasi ka jeediyay Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo isagana qaatay daqiiqadihiisa loogu talagay islamarkaana soo bandhigay Waxqabad uu qabandoono hadii loo doorto xilka uu u sharaxanyahay ee Madaxweyne nimada Soomaaliya.

Musharax C/waaxid Cilmi goonjeex ayaa isagu sidoo kale halkaasi ka hadlay waxaana uu taabtay arimo badan oo ku aadan siyaasadaha dalka isagoona ku baaqay waxkabedel balaaran oo uu ka sameyndoono Soomaalia.

Sidookale musharaxiintii hadlay waxaa ka mid ahaa Musharax Maxamed C/wali Sh Yuusuf, waxaana uu isaguna halkaasi ku soo bandhigay barnaamij siyaasadeed oo qurux badan kaasi oo uu doonayo in uu ku maamulo siyaasada dalka waa hadii loo doortee xilka Madaxweyne nimada Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeeyay Musharaxiinta Madaxweyne nimo Musharax Cismaan Maxamed Gacal oo dhankiisa ku dheeraaday waqabadka uu qabandoono iyo waxyaabaha uu ka bedelayo siyaasadihii hore ee dalka waa hadii loo doorto xilka madaxweyne nimada SOomaaliya.
