Waxaa Si toos ah uga Bilaabatay xarunta guriga golaha Shacabka Ee magaalada Muqdisho Kulanka 25ta musharax 10ka mid ah ee u tartamaya xilka Madaxweyne nimada Soomaaliya ay ku soo gudbinayaan siyaasadahooda ku aadan waxqabadkooda hadii la doorto

Haatan waxaa Hadlaya Musharaxa ugu horeeya oo ah Axmed Ismaaciil Samatar, iyagoo musharaxiinta leeyihiin mudo ku siman 20 daqiiqo in ay ku soo gudbiyaan Hadalkooda.

Waxaa goobta Fadhiya Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya, Musharaxiinta kale ee u sharaxan Xilkan iyo weliba xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.


Musharax Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu horeeyay Musharaxiinta