Iyadoo maalin nimada Berito ah lagu wado in magaalada Muqdisho Xarunta Dalka Soomaaliya uu ka furmo shir lagu ansixinayo Qabya qoraalka Dastuurka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay diyaar garow xoogan oo ay sameynayaan Hay’adaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Amaanka.
Ciidamo isugu jira Militeri iyo Nabad sugid ayaa lagudaadiyay Wadooyinka magaalada iyadoona xoog loo hareereeyay xarunta uu ka dhici doono shirka ansixinta Dastuurka maalin nimada Beri ah.
Saraakiisha amaanka ee DKMG ah ayaa guud ahaan sheegaya in amaanka uu yahay mid aad la isugu haleun karo gaar ahaana goobaha ay wax ka dhacayaan.
Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in uu si toos ah u furmo ansixinta qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliyeed iyadoona isla halkaasi lagu qaban doono howlaha lagu soo xulayo Baarlamanka Cusub.
C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho