Waxaa maalintii afaraad (4aad) galay shirka Culima udiinka Ahlusuna Waljameeca uga soconaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoona maanta uu dhacay kulan aad u balaaran islamarkaana ay ka soo qeyb galeen xubnaha Culimaaudiinka Ahlusuna waljameeca .

Waxaa xarunta Mashruuca ee uu shirka ka socdo degmada Caabudwaaq maanta fadhiyay Ergeydii ka socotay Dowlada Itoobiya, Ururuka IGAD iyo Culimaaudiinka Ahlusuna Masuuliyiinteeda kala duwan ee isaga kala timi deegaanada ayka arimiyaan Ahlusuna Waljameeca ee Dalka.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa xubno ka yimi Dalka dibadiisa oo iyagu u badnaa Dhalinyaro islamarkaana sheegay in ay u socdaan dalka dib u dhisidiisa iyo ku wada noolaanshaha nabad.

Gudoomiyaha gudiga Shir gudoonka Ahlusuna waljameeca Sh Axmed Ilka case oo la hadlay dhamaan dadkii halkaasi isugu yimid ayaa sheegay in kulankan maanta uu ku saabsanyahay soo saarista gudiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, gudiga xalinta khilaafaadka, gudiga dabagalka dhaqaalaha shirka,

Waxaa sidoo kale halkaasi looga hadlay Maanta kala saarista Ergooyinkii ka so qeyb galay shirka iyadoo loo qeybiyay Carar lagu aqoonsanayo Ergeda ka qeyb galeyso shirka ka dib markii codad kala duwan ka soo bexeen Masuuliyiinka ka soo qeyb gashay kuwaas oo sheegay in halkaas uu shaki ka imankaro.

Mid ka mid ah Ergeda ka timi Dibada ee ka soo qeyb galay kulankaasi oo lagu magacaabo Xasan C/laahi Farmaajo oo ah walaalka Raiisul wasaarihii hore ee Dalka ayaa ka hadlay sababa ay u yimaadeen shirka isagoona sheegay in ay u yimaadeen sidii ay marqaanti uga noqon lahaayeen shirka Culimada Ahlusuna waljameeca ayisugu yimaadeen, isagoona sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin isu imaanshahan balaaran.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur taar dhuleed, waxaana uu sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in ay isku soo sharaxdo xilka gudoomiyaha Culimaaudiinka Ahlusuna waljameeca cid ka timi dhanka dibada oo aan dalka joogin maadaama kulankan looga gol leeyahay in lagu dhiso Maamul guud oo ay Ahlusuna waljameeca yeelato.

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Caabudwaaq.