Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha iyo wax garadka gobolka Hiiraan islamarkaana ka dhacay Gudaha Magaalada Baladweyne xarunta Gobolkaas ayaa waxaa heshiis lagu kala dhex dhigay maleeshiyaad beeleed dhowaan halkaasi ku dagaalamay.

Kulankan oo maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay magaalada Baladweyne ayaa waxaa la isugu keenay laba beel oo ku dagaalamay Galbeedka magaaladaas kuwaasi oo garab ka mid ah ay ka mid ahaayeen Maamulka dooxada shabeele .

Siyaasiyiin wax garad iyo cuqaal ka soo kala jeeda labada dhinac ayaa kulankaasi ku sugnaa iyadoona gebi ahaanba ku dhawaaqay heshiis laga gaaro xal waara waxyaabihii dhacay.

Yuusuf Axmed Xagar Dabageed oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qeyb galay kulankaasi ayaa halkaasi mar uu ka jeediyay hadal sheegay in aan loo baahneyn colaad ka dhacda gobolka islamarkaana laga talaabsado hadii ay jireen uuna dhinac walba qaato talaabo horey loogu qaadayo nabadgeliyada.

Sikastaba ha ahaatee bartamihii bishii 1aad ee Sanadkan ayay aheyd markii uu dagaal u dhexeeya labadan beel ka qarxay galbeedka magaalada Baladweyne kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe