Maamulka Ahlusuna walajamaaca ee gobolada dhexe ayaa maanta ka dhawaaqay natiijada kulan 3 maalin uga soconayay degmada Guriceel ee gobolka kaasi oo ay sheegeen in ay uga hadlayeen tayeynta maamulada Deegaanada ay ka arimiyaan, dhisida maamulada deegaano ay dhowaan ka la wareegeen xarakada mujaahidinta Alshabaab iyo sidoo kale doorashada gudoomiye cusub oo madax ka noqda 3daxda gudi ee Marjaca,Talada iyo Fulinta .

ka dib kulankooda ayay u dorteen gudoomiya Sh Ibraahim Sh Xasan Guureeye waxaana halkaasi loogaga dhawaaqay in uu yahay gudoomiyaha 3da gudi ee Ahlusuna walajamaaca.

Gudoomiyaha Cusub ee la doortay ayaa saxaafada halkaasi kala hadlay isagoona mahad celin u jeediyay dhamaan gudiyada Ahlusuna iyo shacabkii halkaasi fadhiyay sida ay ugu doorteen xilkan.

Sh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyaha gudiga Fulinta ee Ahlusuna oo isagana halkaasi ku sugnaa ayaa hadal ka jeediyay goobta isagoona sheegay in uu u hambalyaynayo gudoomiyaha cusub ee la doortay, waxaany balan qaaday in uu la shaqeyn doono.

Sikastaba ha ahaatee maalintii shalay ayay aheyd markii ay xilka qaadis ku sameeyeen gudoomiyihii horay ugu magacawnaa xilka Xirsi Maxamd Hilowle .
SBC INternational Guriceel