Waxaa maanta ka furmay xarunta wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlada Puntland ee agaalada Garoowe kulan ay yeelanayaan wasaaradaha dowlada Puntland iyo hay’ada WFB.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa mudada uu socdo barnaamijyada WFB ay ka fuliso deegaanada Puntland iyadoona si gaar ah loo eegi doono baranaamijyadii ay Puntlandka fulisay sanadkii hore ee 2011iyo qorsha sanadkan 2012.

Furitaankii kulankaasi ka dib wasiirka wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Daaud Maxamed Cumar ayaa warbaahinta uga waramay  muhiimada kulankaasi, waxaana uu sheegay in hayadu kulankan ay ku soo bandhigayso waxyaabihii ay ka qabteen Puntland sanadkii tagay sanadkana ay wada qorshaynayaan meelaha laga fulinayo barnaamijyada hor umarineed ee WFB ay ka fuliso deeganada Puntland,isla markaana ay hayada kula taliyeen in ay wax ka qabtaan dhanka waxbarashada ,deegaanka ,xanaanada xoolaha iyo wadooyinka,

Marka kulankaan dhamaadana uu ku xigo mid kale oo ay ka qayb galayaan gudoomiyaasha degmooyinka iyo gobolada Puntland kaasi oo gobolkasta uu ka hadli doono baahida uu qabo iyo meelaha ay doonayaan in laga caawiyo,

Waxaana ay noqonaysaa markii labaad oo ay kulan yeeshaan wasaaradaha dowlada iyo hay’ada WFB iyadoo labada jeerba laga wada hadlayey sidii dowlada iyo hayadu ay uwada qorshaynlahaayeen meelaha mashaariicda laga fulinayo .

Daawo Sawirada





Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe