Warar ay heshay warbaahinta SBC Xafiiska Muqdisho  ayaa sheegaya in uu Goordhow uu fashil ku soo dhamaaday Kulan dhexmaray Ra’iiswasaare Soomaaliya Mudane Dr Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb C/llaahi Cali Max’ed Baarleex.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in la isku mari waayay saxiixyadii ka dhacay Magaalada Garoowe taasi oo Madaxweyne Baarleex uu codsaday in wax laga badalo taasi  oo Ra’isilwasaaruhu uu ka biya diiday.

Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Wafdigiisa ayaa Maalinta Bari Ah 09:00 Am ka amba bixi doono Magaalada Muqdisho iyaga oo dib ugu laaban doono Magaalada Cadaado.

Wixii ku soo kordha dib kala Soco Insha llah 

By : Xasan Max’ed Samater (Cowke)

Muqdisho , Somalia