Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen jaalliyada guud ee Puntland ee Dalka Norway, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 18 may 2012 ka dhacay caasimada Oslo ee dalka norway.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda reer Puntland, sida Odayaasha, Dhalinyarada, Haweenka, iyo Aqoonyahanada reer Puntland, ayaa maanta galinkii dambe kadhacay hoolka shirarka ee Bateriet Oslo Norway.

Kulanka ayaa waxaa Aayadaha Qur’aanka kufuray, Sheekh Amiin isagoo sidoo kale dadka kula dardaarmay cabsida eebe iyo inay ilaahay kuxirnaadaan.

Intaa kadib waxaa bilowday Ajandihii shirka, waxaana si qoto dheer uga warbixiyey waqbadkii jaaliyadda intii ay soo jirtay iyo waxa ay higsanayso Gudoomiyaha Jaaliyadda guud ee Puntland Mudane DR.Abdiwahaab maxamed siciid.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay kasoo qaybgalayaashii shirka iyo Maamulka Jaaliyadda.Waxaana shirka uu kubilowday jawi farxad iyo midnimo kudhisan waxayna kasoo qayb galayaashii shirka aad ula dhaceen waxqabadka ay samaysay jaaliyadda iyo waliba horumarka ay higsanayso.

Shirka ayaa ugu damayntii kusoo gabagaboobay xaflad casho, waxayna dadku isugu hanbalyeeyeen sida wanaagsan ee ay bulshada reer Puntland isugu xiranyihiin iyo waliba sida ay dadkooda iyo dalkooda wax ugu qabteen.

Kulankaan ayaa Dadkii ka hadkay waxaa ka Mid ahaa:-

1. Gudoomiye DR Abdiwahaab Maxamed Siciid
2. Gudoomiye ku-xigeenka ahna khasnajiga jaaliyadda Cabdirisaaq Bile Dhuubane
3. Khasnajiga Jaaliyadda Saynab SH. Axmed
4. Afhayeenka Jaaliyadda Maxamed Barkhad Cali Saalax
5. Nabadoon Qorax
6. Prof. Cali Muuse Cali xaaji
7. Nabadoon Shaqaaqo
8. Abdirixmaan Gambar
9. Abshir Madar maxamed
10. Maxamed Faarax Dhuubane
11. Qase
12. Nabadoon Blie Kuus
13. Cismaan yuuyuu
14. Cismaan maxamuud Boqor
15. Siciid Xaaji maxamuud

Sawiro





 

Afhayeenka Jaaliyadda Puntland ee Norway 
Maxamed Barkhad Cali Saalax