JOHANNESBURG, South Africa : – Munaasabad weyn oo si heer sareysa loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay boqor burhaan boqor muuse iyo wefdigiisa ayaa waxa ay ka dhacday magaalada johahesburg ee dalka koofur afrika.

Munaasabada ayaa waxaa soo agaasimay sheikh abdi-samad seed oo ka mid ah ganacsata soomaaliyeed ee magaalada johannesburg waxa ayna ka dhacday xafladu hool kuyaala guriga ganacsadaha waxaana ka soo qeyb galay dhamaan bulshda dhinacyadeeda kala duwan sida culumaa,udiinka ganacsatada odayaasha dhalinyarada haween iyo caruur waxa ayna dhamaantood u riyaaqeen howshi boqorku uu qabtay inti uu wadanka ku sugnaay.

Caisha Abdulahi maxamud Oo Kamid Dadka Ka soo Qeybgalay Munaasibadaasi ayaa sheegtay in munaasabadaani aheyd mid xasuus ku reebandoonta shacabkii ka soo qeybgalay maadaama dadkii ka soo qeyb galay ay aad ugu riyaaqeen
warbixintii ay ka dhegeysteen boqorka.

sidoo kale sheikh abdi samad seed ayaa sheegay in ula jeedka munaasabadaani ahaay in shacabka soomaaliyeed isku arkaan islamarkaan ay si fiican u sagiitiyaan boqorkooda.

inti ay munaasabadu socotay ayaa urur weynaha soomaaliyeed ee SASA waxa ay boqor burhaan goobta ku gudoonsiiyeen shahaado sharaf muujinaysay wax qabadkii uu boqorku ka geystay koofur afrika iyo kulamadii uu la yeeshay
boqoradii qowmiyadaha zulu-ga iyo qowsaha kuwaas oo uu kala hadlay xaalada soomaalida iyo sidi ay nabad gelyo buuxda uga heli lahaayeen bulshada labadaas qowmiyadood.

SBC, News.