Guriga Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Sheekh Aadan waxaa shalay ka dhacay kulan qarsoodi ah oo aan Saxaafadda loo soo bandhigin, waxaana kulankaasi oo ay yeesheen Shariif Xasan iyo qaar ka mid ah Golihii Wasiirada Cumar C/rashiid looga hadlay qaabka ay u hor istaagi karaan dowladda KMG ah ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo horumarka ay ka waddo dalka iyo waliba qorsheyaal kale.

Ilo diblomaasiyadeed oo ku dhow goobta uu shirkaasi ka dhacayay ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlay qodobada lagu eedeynayo xukuumadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay isku raaceen xubnahaasi in xukuumadu aanay waxba qaban mudadii ay jirtay, in Dowladda KMG ah ay dooneyso inay wakhtigeeda kororsato, inay hareer martay sharciga iyo datuur dalka u yaalla iyo eedeymo kale.

SBC ayaa ogaatey in xubnaha kulanka ka qeyb galay ee soo xaadiray guriga Shariif Xasan waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada Cumar C/rashiid, Xildhibaan Muuse Suudi oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii caanka ku ahaa keli talisnimada isla markaana ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga horjeestay in Isbaheysigii argagixiso la dirirka Guddoomiye loo sameeyo, Ugaas Dhegey, Jan. Cabdi Qeybdiid oo isna ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray isla markaana gadaal uga biiray isbaheysigii argagixiso la dirirka iyo xubno kale. Dhinaca kale xubnihii ka tirsan Dowladdii Cumar C/rashiid ee shalay kulanka qarsoodiga ah la qaatay Shariif Xasan ayaa qaarkood oo halkaasi khudbado ka jeedinayay waxay u ballanqaadeen Shariif Xasan inay xukuumadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo Baarlamaanka ugu ololeyn doonaan sidii loo ridi lahaa, iyadoo loo cuskanayo eedeymaha ay kulankaasi ku go’aamiyeen.

Ma aha markii ugu horeysay oo xubnaha horay uga tirsanaa Dowladdii Cumar C/rashiid ay yeeshaan kulamo lagu majaxaabinayo Dowladda Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo la soo baxday dardar hor leh oo ka duwan xukuumadihii dalka soo maray, isla markaana waxqabadkeeda ay qireen dhammaanba shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay shir lagu sheegay inuu ahaa wada tashi iyo isla markaana uu soo qabanqaabiyay ergeyga QM Augustin Mahinga ayaa fashil ku dhammaaday kaddib markii xubnaha ka qeyb galay shirkaasi ay isku khilaafeen qaabka shirka iyo waxyaabaha laga hadlayo.

Shirka Nairobi oo dhinaca Dowladda KMG ah ay uga jireen inta badan xubnihii uu hoggaaminayay Shariif Xasan ee shalay kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada ayaa waxay doonayaan si ay dhaqaale uga helaan beesha caalamka iyo QM inay ka dhaadhiciyaan dacaayado ka dhan ah Xukuumadda KMG ah si ay iyaga u bedelaan xukuumadaasi amaba ugu yaraan aanay qancin karin jago Wasiirnimo haddii kale ay sii wadayaan ololahooda ku aadan inay jilbaha dhulka u dhigaan xukuumada Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayay sheegayaan warar hoose oo aanu helnay kulanka qarsoodiga ah ee dhex maraya shariif Xasan iyo xubno ka tirsanaa Dowladdii Cumar C/rashiid, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa go’aan ka qaatay xubnahaasi oo uu sheegay inaysan marnaba iyagu horseedi karin inay sacabada ku qariyaan halganka xukuumadiisu ugu jirto sidii daagalada ay ku jirto dagaalyahanka Al-Shabaab.

Caadiyan xubnaha horay uga tirsanaa Xukuumadii Cumar Cumar C/rashiid oo uu ka mid yahay C/risaaq Jurile oo caan ka dawladihii dalka soo marey, Xildhibaan Muuse Suudi, C/raxmaan C/shakuur, Cabdi Qeybdiid iyo xubno kale, kuwaasi oo iyagu dhowaan magaalada Nairobi isku khilaafay cidii musharax u noqon lahayd ayaa doonaya inay Dowladda KMG ah kahortagaan iyagoo u sii maraya Golaha Baarlamaanka.

C/risaaq Cismaan Axmed
SBC Muqdisho