Wararka ka imaanaya Magaalada Addisababa ee wadanka Ethiopia ayaa ku waramaya in uu manta halkaas ka furmi doono Shir loga hadlayo Halka ay maraya Arimaha Dastuurka.

Shirkan ka furmaya Magaalada Addisababa waxaa ka qeybgalaya dhamaan saxiixayaasha Road Mapka ee ay Qaramada Midoobay Gar hayeenka ka tahay

Shirka waxaa goobjoog ka ah Madaxda DKMG ugu sareysa oo uu ka mid yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka soo kicitimay Wadanka Jabuuti . 

Mas’uuliyiinta ee joga magaalada Addis Abba ee uu shirki ka furmidoono waxaa ka mid ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada KMG ah iyo Afhayeenka Barlamanka Madaxda Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Ahlu-suna waljameeca

Furitaanka shirka waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsna beesha caalamka oo ay ka mid yihiin safiirka Maraykanka u qaabisan Soomaaliya Jemess Swat, madax kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo ururka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika

 

Furitaanka Shirka waxaa Khudbado Muhiim ah ka jeedin Doona Dhinacyada Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka iyadoo laga dhageysan Doono Arimaha Road Mapka iyo Halka ay wax u marayaan ee ku aaadan Ansixinta Dastuurka iyo sidoo kale xulitaanka Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Marka la soo kobo

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa ku sugan Magaalada Addisababa ayaa Maanta Kulamo kala duwan la qaatay Safiirada Dalalka Caalamka ee Fadhiga ku leh Addis ababa iyo Madaxda Beesha Caalamka ee Goobjooga ka ahaaneysa Kulanka Maanta.

SBC International Addis Ababa