Kulankan oo soconayay mudo hal maalin ah ayaa waxaa ka qayb qadanayey Ururadda Bulshada iyo Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Karkar iyo Haylaan oo ay ku baranayaan Habka ugu haboon ee ay u gaarsinayaan Dimuqradiyanta lagu wado in Puntland ay hiigsato oo ay wado Ha’yadda PDRC oo gacan maliyadeed ka helaysa Ha’yadda Interpeace iyo sidoo kale gudiga xukun baahinta ee Puntland.

 

Xiriiriyaha Ha’yada PDRC Cali Farax Farmayeeri oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay horay barnaamijyada noocana u soo waden isla markaasna uu qayb ka yahay tiirarka dimuqradiyenta oo dhamaan Gobolada oo dhan laga fulinayo .

Wasiir Dowlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madaxtooyada Puntland Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo si rasmi ah isagu ugu furay kulankaan halka maalin soconaya ayaa kawaramaya sadexda tiir ee ay ka kooban yihiin Geedi socodka dimuqraadiyanta iyo natiijada ay ka dhaxleen,

Waxaa sidaan oo kale kulamo looga hadlayo hirgalinta barnaamijyada Dimuqraadiyanta loogu soo qabtay qaybaha kale ee Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, kana uu qayb ka ahaa.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe