Kulanka oo ay ka qaybgaleen madaxda wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha, ganacsato,  hayadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, waxaa looga arinsanayey sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhaliyarada reer Puntland si aysan ugu jihaysan falal aan haboonayn oo ay ka mid yihiin burcad badeeda iyo fal dambiyeed yada kale .

Waxaana madaxda waasaradu sheegeen in ay la tacaalayaan dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee kajirta Puntland isla markaana hayadaha caalamiga iyo ganacsadana looga baahanyahay in ay wax ka qabtaan howlahaaasi .

Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada shaqaaalaha iyo dhalinyarada Puntland  Siciid Daahir Qordax oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa sheegay in  Puntland ay dajisay siyaasada dhalinyarada islamarkaana ay daadaal xogan ugu jiraan sidii looga bixi lahaa shaqala’aanta baahsan ee dhalinyarada haysata isagooan kula dardaarmay ka qayb galayaasha in ay gacanka gaystaan sidii shaqo loogu abuur loo samayn lahaa.

Inkastoo wasaarada shaqada shaqaalaha iyo dhalinyaradu ay sheegayso in ay dadaal xoogan ugu jirto sidii looga bixilahaa shaqala’aanta hadana dhalinyaradu waxa ay wali wajahayaan dhibaatooyin tiro beel ah oo kasoo gaara falalka burcad babeeda iyo tahriibta oo ay kala kulmaan waxii ay ka filyeen wax ka duwan hadii ay xiliyada ay kusii jeedaan libiya oo ay soo gaaraan jirdil xarig iyo in lacag loo qabsado  dhibaatooyin kabadan  oo u siii dheer.

Daawo Sawiro





Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe