kulan kani ay soo qaban qabisay hayada DRC ayaa ahaa mid dadka loga wacyi galinayo khatarta tahriibta iyo sidii dadka muhajirinta ah xuquuqdoda u heli lahayen ayaa lagu qabtay hoolka jamaca culumta cafimadka ee bosaso.

kulankani ayaa waxaa ka soo qayb galay sarakisha hayada DRC masuliyiinta gobolka bari kan degmada bosaso muhajirinta ka yimi dalka ithopia iyo dadka barakacyasha ee ku nool gudaha magaladan.

Cali maxamed maxamuud baruuti agasime ku xigeenka waxda arimaha bulshada ee degmada Bosaso oo kulanka daah furay ayaa ka waramay dhibada tahriibta ay ku yelay dhalinta somaliyeed.

Fardowso ibraahim yuusuf iyo maxamed aadan maxamed oo ah muhajiriin ka soo hajirtay dalka ithopia ayaa ka tarikheyay dhibatadii ay soo mareen in tay so socdeen.

isku duwaha wasarada hawenka ee gobolka Bari Drs. Ayaan nuur musse ayaa dhankeda shegtay in tahribtu ay tahay khatar Ku Weyn Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Hoyo Fadumo Jaamac ayaa gaba gabadii kulanka ku soo bantigtay tix yar oo gabey ah oo ay u tirisay dhalinta sii qul qulaysa.

Hayada DRC ayaa iyaduna mar kasta u tagan ka wacyi galinta dhalinta somaliyeed khatarta tahriibta.

Hoos ka dhageyso Warbixin Uu Wariye Xamse C/rishiid Jaamac.