Kulan kaan ayaa waxaa uu ka dhacay hoolka shirarka Dowlada hoose ee magaalada Garoowe kaasi oo looga hadlayay is Dhaxgalka bulshada iyo Barakacayaasha iyo nabad galyada .

Kulan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jmciyada xumaan Reebida iyo wanaagfarida, waxaana dhinaca maaliyada bixinayasay Hay’ada qaxootiga Adunka qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha qaxootiga ee UNHCR oo kaashanaysay wasaarada cadaalada Arimaha diinta iyo Dhaqanta .

Madaxa jimciyada Sheekh: Maxamed ayaa sheegay in ay kulamadani oo kale ay ka soo sameeyeen magaalooyinka ,Gaalkacayo iyo Boosaaso ayna ku soo hadleen is dhaxgalka bulshada barakacayaasha iyo nabad galyada

Ku xigeenaka duqa degmada garoowe Maxamed Xamari ayaa waxuu kula dar daarmay dadkii ka soo qaybgalay in ay ka shaqeeyaan Amniga lyo in la sameeyo is dhaxgal bulsho mino iyo waalnimo

Madaxa hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR maxamed saalax ayaa sheeagay in tan ay tahay mabaadiida ay ku shaqayso hay’ada waxuuna in taasi ku daray in ay hay’ada sii wadi dooto is dhaxgalka bulshada in ay taaku layso .

Kulanka oo ay joogeen gudiyada barakacayaasha gudiyada xaafadaha garoowe madaxa ka socotay hay’ada iyo dowlada hoose ayaa waxaa kulanka soo xiray wasiirka wasaarad cadaalad Arimaha Diinta iyo Dhaqan celinta Dowlada puntland Injineer:Cabdi khaliif xaaji xasan Ajaayo ayaa waxaa uu ka sheekeeyay dhaqan ka Umada soomaaliyeed oo uu Aad ugu dheeraaday ka hadalkiisa waxuuna ka jeeday in intaasi uu ku falan qeeyo sidii ay umada soomaaliyeed iskugu duub Naanjirtay waxuuna ku Dardaarmay barkacayaasha iyo bulshadaba in ays ku duub naando oo laga wadshaqeeyo Amniga iyo nabad galyada

Ma ahan markii ugu horaysay oo kulan looga hadlayo is dhaxgalka bulshada iyo barkacayaasha uu ku dhaco magaalada Garoowe 

Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (Cabdi caziiz okey)
SBC International Garoowe