Kulankaani ayaa ahaa mid muddo laba cisho ah ka socnayay xarunta Wasarada Haweenak iyo Arrimah qosyka ee puntland waxaana ka soo qayb galay madax Qaybeedyada wasarada haweenka ee gobalda puntland iyo ururada kala shaqeeya Hay’ada UNICEF iyo Wasaarada Haweenka Arriama daryeelka Carruurta.

Agaasimaha waaxda  daryeelka Carruurta ee Wasaarada Haweenak Amino Maxamuud Nuur ayaa ugu horrayntiiba waxa ay  ka Hadashay wixii ay kawada Hadlayeen ka soo qayb galayaashii mudda laba cisho ah iyo u jeedada kulankaani Loo qabtay iyadoo Sheegaty in kulankaani waxyaabihii ugu muhiimsanaa uu ahaa Kala warqaadashada dhinacyada ka shaqeeya arrimah carruurta ee Sanadii la soo Dhaafay iyo sanadaani cusub iyo sidoo kale soo bandhigista buug cusub oo Qeexaya waxyaabihii la qabtay intii ay jirtay Wasaarada Haweenku .

Asad  oo kamid ahaa ka soo qayb galayaasha ayaa tilmaamay guulihii ay ka Gaareen sanadii aynu soo dhaafnay iyo caqabadeihii ka horyimid u qayb Sanayaasha daryeelka carruurta ee Puntland sidoo kala tilmaamay guulaha ay Higsanayaan sanada cusub.

Ugu danbayntii  waxaa si rasmi ah u soo xiray kulankaasi agaasimaha guud ee Wasaarada haweenka iyo Horumarinta Arriamah Qoyska C/qaadir yusuf Daahir Waxaana uu kula dardaarmay ka soo qaybgalayaashii kulankaasi iyo dhammaanba Bulsho waynta soomaaliyeed in laysu taaga dhowrista iyo daryeelidda caruurta Sidookalana tilmaamay qorshayaasha wasarada Haweenak ee sanadaan cusub ay Ka higsanayso daryeelidda carruurta  oo uu sheegay inay kaga jirto qorshayaasha Wasaarada safka hore kormeerna ku smayn doonaan dhammaanba Gobalda Puntland si ay u soo ogaadaan xaalada Nololeed ee carruurta Gobaldaasi .

Dhanka kale intii lagu  guddoo jiray kulankaani waxaa lagu soo bandhgay bug Cusub oo lagu wado in dhawaanta ay soo saarto wasaarada haweenku kaasi oo ku saabsan daryeelidda caruurta shugri aadan oomaar waxa ay ka midtahay daka loo xilsaaray Soosaarista buugaani  ayaa sheegtay in buugaan lagu xusi doono dhammaanab cid kasto oo ka qayb qaatagay horrumarinta iyo Daryeelista caruurta  iyo faa’iidooyinka buugaani uu xambaarsanyahay.

Kulankaani ayaa ah mid wasaarada haweenka ,Hay’ada UNICEF  iyo ururada kala shaqeeya dhanka horrumarinta iyo daryeelista Carruurtu ay isugu yimaadaan kaasi oo kaga falanqoodaan wixii u qabsoomay mudadaasi kanina uu ahaa mid daba joogay kulamadaasi.

DAAWO SAWIRADA






Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe