Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen hogaamiyaal sar sare oo dhanka Malitariga iyo  Madax sar sare uu ka mid yahay Madaxweynaha isku taga imaaraadka Carabta iyo Saraakiil ciidamada ka tirsan,waxaana u jeedka ugu muhiimsan kulan uu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha nabadgalyo iyo la dagaalanka Kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha Soomaaliya.

Saraakiisha kulanka ka hadashay ayaa dhamaantood mowqif isku wada mid ah iska taagay sidii Soomaaliya oo haatan ka baxeysa dhibaatada ay soo martay la gacan qabto si ay u suurta gasho in Somaaliya dib u hanato hanaankeedii dowladnimo ee horay u soo maray.

Waxaana Kulanka qeyb ka ahaa wasiirka difaaca dalka Farance Jean-Yves Le Drian, oo isagana qudbadiisa uu ka jeediyay Madasha Shirka ay ka mid ahaayeen arimaha Al-Qaa’ida iyo Sidii loola dagaalami lahaa,kuwaasi oo ku sheegay inay ku sii badanayaan qaar ka mida ah wadamada Africa oo Soomaaliya iyo Mali ay ka mid tahay sida uu sheegay.

Kulanka oo ka dhacay Abu Dhabi.ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Saraakiil Ciidan oo shirka ka soo qeyb gashay,iyagoona dhamaantood qeexay in laga shaqeeyo Nabadgalyada iyo xasiloonida wadanka Geeska Africa ku yaala.