Kulan looga hadlayay Amaanka Gobolka Nugaal oo maanta Garowe ka dhacay

Kulankaan looga hadlayey amiga magaalada Garoowe ee casumada Puntland oo lagu qabtay xarunnta dowlada hoose ee degmada Garoowe  waxaa ka qayb galay masuuliyiinta gobolka iyo degmada iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada .

Wax garadka iyo masuuliyiinta xaafadaha garoowe  waxaana diirada lugu saarayey sidii lootayeyn lahaa aniga magaalada loogana hortagi lahaa  waxyaabaha amniga khalkhal galinkara.

Gudoomiyaha degmada garoowe c.casiis nuur cilmi ayaakawaramaya qodobada muhiimka ah ee looga hadalayo kulankan ku saabsan amniga magaalada Garowe .

Gudoomiayha gobolka nugaal cabdi xirsi cali ayaa xaafadahamagaalada Garoowe ku dhiiro galiyey in ay kaalin muhiim ah ka qaataan sugidaamniga isla markaana ay ciidamada amaanka ku wargaliyaan cidii ay ka shakiyaan .

Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Puntland maxamed faarax ciisegaashaan ayaa sheegay in ay laga maarmaantahay wada shaqaynta xaafadaha iyociidamada amaanka Puntland .

Kulankan looga hadlayey magaalada garowe ee caasumadaPuntland ayaa ku soo beegmayo labo maalin ka hor markii magalaada lagudialay  xildhibaan ka tirsanaabarlamaanka Puntland iyadoona ciidamada amaanka Puntland ay wadaan howlgalo ayku xaqiijinayaan nabad galayada garowe isla markaana habeenkii magaaladagudheeda lagu arkayo ciidamo baaritaan ku samaynaya dadka iyo gaadiidka.

Maxamed Siciid Yuusuf 
SBC International Garoowe 

Daalacatey :319

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print