Kulan Balaaran oo Lagu qabtay Magaalada Boosaaso Ayaa waxaa tacsi loogu diray Eheladii qaraabadii iyo Umada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Halgame Xaaji ladane oo shalay Aas qaran loogu sameyay Qabuuraha Magaalada Boosaaso.

Kulanka oo lagu qabtay Hotel Juba ee Boosaaso waxaa ka qeybgalay Taariikhyahano qorayaal iyo masuuliyiin ka socday Dowlada Fedaraalka iyo Dowlada Puntland iyo sidoo ehelo ay isku xeel dheerayeen Marxuumka.

Kulanka waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay ( Cumar Maxed Altezo, Barkhad Cali, Prof Khalif    oo ka mid ah dadka sida weyn u yaqaanay Xajiga Xildhibaan C/wahab Macalin oo ka socday DF iyo Liibaan Maxamed otaafiyo iyo Barkhad Cali Saalax Kuwaasi oo si weyn uga hadlay Qiimaha uu soomaaliya ku leeyahay Soomaaaliya

Sharmaarke Maxamed Salax Ladane oo wiilka Marxuum Ladane ayaa ka mahadceliyay doorka Puntland iyo dowlada Soomaaliya ay ka qaateen aaska Halgame Ladane oo ahaa abahiis eebe ha u raxmadee

Dhinaca kale Aaska Marxuum Maxamed Saalax Deer Ladane oo shalay ka dhacay boosaaso waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland Iyo Xubno ka socday Dowlada Federaalka oo ay ku jiraan xildhibaan iyo Masuuliyiin ka socday Xafiiska Raiisul wasaare saacid.

Markii Marxuum Halgame Xaaji ladan si Heer qaran ah loo aasay waxaa halkaas erayo muhiim ah ka jeediyay Sheekh Heeryo oo ka mid ah Culimada Boosaaso iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi Cadde iyo wasiirka Maaliyada Puntland oo ka mid aha Gudi ay Dowladu u xilsaartay Aaska Marxuum Halgame Xaaji Maxamed Saalax Deer Ladane.

Sawiro

IMG_9428 IMG_9432 IMG_9439 IMG_9449 IMG_9453 IMG_9456 IMG_9458 IMG_9465 IMG_9469

SBC International Boosaaso