Xubno katirsan golaha wasirada Puntland, xildhibaano, qurbo joog ururada dhaliyarada, haweenka, abwaano, iyo masuuliyin ka kala socotay  waqoyi bari dalka Kenya, iyo gobolada juboyinka ayaa qayb galay kulankan ka dhacay Garowe Waxaana loga hadlayey badi intii u socday  kulankan oo ay so qaban qabisay wasrada haweenka Puntland sidii loo taageeri lahaa maamul usamaynta gobolada Juboyinka iyo Gedo iyadoona ay ka midaynayeen dhaman dadki ka hadlay kulanka in ay muhiim tahay in lagu tagero hil iyo hoo  maamul usamaynta goboladaasi

Gudomiyaha degmada Garisa ee waqoyi Bari Kenya Ismacil Axmed Garaad oo ka hadlay madasha   ayaa sheegay in ay ku so dhaweyaan degmadooda Gaarisa  isagoo shegay in markii ay bilabatay mauml samaynta gobolada Juba land inay saamayn weyn ku yeelatay dhinaca amaanka Gaarisa  waxan uuintaasi ku daray inu baaq u dirayo dadka dhibka ka wado gobolkooda In aysan wanagsanayn wax ay ku kacayaan

Sheekh Khalif Gure Cali oo shegay inuu yahay gudomiyaha maamul usamaynta gobolada Jubooyinka ayaa halkaasi ka shegay in gobolada  Jubooyinka la doonayo in la dhiso isagoo sheegay inuu ku socdo  dhismaha mamulka gobolkaasi qodob sharci ah  oo ku yaala dastuurka Somalia

Wasiirada hormarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Xalima Xasan Xaaji  ayaa sheegtay inay rajaynayaan in nidaamka loo samaynayo gobolada jubooyinka In lagu guulaysto iyadoo shegaty inay marka kasta ku tagrsanyihin kuna garab istagayaan  sidii logu smayn lahaa maamu goboleed dadka ku dhaqan  goboladasi

Kulankan loga hadlayey laguna tagergana mamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ku soo aadaya iyadoo mudooyinkii ugu dameyey lagu qabanayey gudaha dlaka iyo dibadaba kulamo looga tashanayey  aayaha  dadka ku dhaqan gobolada Juboyibka sidii ay uheli hayeen mamul ka arimaya goboladasi,

Sawiro




Samiiro C/raxmaan Cabdulle
SBC International Garoowe