(DAAWO SAWIRO) Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska  Wasaarada Qorsheenta ee Gobalka Bari  waxaana uu ahaa kulanku mid lagu soo gabagabaynayay olale soo socday (16)  mudo lix iyo toban maalmood oo caalamku u aqoon saday malmaha  laga hadlo dhibaatooyinka ay haweenku la kulmaan.

Waxaana ka soo qayb galay madaxda Gobalka Bari,Odayaal,Hayada Maxaliga ah,Ururda Haweenka, Madax ka soctay Wasaarad Haweenka,Cul.imo iyo Qatbaha kale ee bulshada .

Waxaana Ugu horayntii ka hadlay kulankaa Gudoomiyaha Gabalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan isagoo ugu horayntii mahad balaaran u jeediyay Wasaarada Haweenka Gobalka Bari iyo Tan Puntland .waxaana uu ka hadlay dhibka Haweenka loo gaysto in uu yahay mid aysan xaq u lahayn waxaana uu sheegay in Hoyada ay tahay mida dadka ay ku dhisan yihiin isagoo sheegay in Mamulka Gonalka Bari uu mar walba garab tagnaandoono wax walbana diyaar ula yihiin oo horumar ah wax uuna mahad aan la soo koobi kari u ceshay Ayaan nuur muuse oo ah Isku duwah Wasaarada Haweenka iyo arimah qoyska  Gobalka Bari isagoo tilmaamau in ay wax badan u qabatay haweenka gobalka bari.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay xunin ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Puntland ahna oday rugcadaa ah waxaana uu ka hadlay qiimaha aan soo koobida lahayn ee Haweenku leeyihiin sagoo ku dheeraday wax ay qabtaan in aysan wax la koobi karo ahany ayaa wax uu kula dar darmay in ay isku dayaan in ay dhacsadaan xaqooda ay leeyihiin iskuna dayaan in dalka wax ka mamulaan isgoo mahad balaaran u jeediyay wasaarada haweenka Puntland iyo tan gobolka bari  ,wax auuna ku amaanay sida hawl karnimada ah ee ay hawshooda u wataan.

Ugu danabayntii waxaa halkaa ka hadashay Ayaan Nuur Muuse  Isku duwah Wasaarada Haweenka iyo Horamarinta Qoyska ee Gobalka Bari iyadoo ka hadasahay arimaha haweenka gar ahaan dhibka loo gaysto gabdhaha oo ay ku tilmaantay mid aan loo meeldayin isla markaana lagula tacadiyo  waxayna sheegtay in malmahaa loo aqoonsaday in laga hadlo mashaqaadka ay dumarku la kulmaan caalamka oo dhan laga xuso waxayna sheegaty in hal ku dhiga munaasabada uu yahay  Puntland furcoonigii way ka guurtay.

waxayna sheegatay in dhamaan waalidiinta looga baahan yahay in ay arimahaa ka digtoonaadan iyadoo xustay  in ay culimada puntland au arimaah kala tashadeen islana garteen in  uu fircoonigu yahay mid karaahiyo ah loona baahan yahay in dhamaantiis laga guuro sida hada Puntland.

Munaasabadan ayaa dhamaan waxaa laga xusayaa deeganada Puntland iyo Caalamka oo dhan iyadoo loo aqoon saday maalinada booqa caalamiga ah.

 DAAWO SAWORADA




Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso