Kulan Lagu mataanaynayo Afar Degmo oo Katirsan Puntland oo Ka dhacay Waaciye

Kulanka ayaa haa mid ay ka soo qayb galeen gudoomiyaasha afar degmo oo kala ah Degmada Carmo ,Waaciye Ufayn iyo Degmada Dhahar.

Munaasabadan oo u jeedkeedu uu ahaa sidii loo mataanaynlahaa degmooyinkaasa ayaa ka dhacaday Degmada Waaciye oo iyadu Marti galinaysay Kulankan.

Kulankan logu mataaneynayey degmooyinka afarta ah ee Puntland waxaa ka soo qaybglay masuuliyiin kasocotay Golaha Wasiirada Dawlada Puntland sida Wasiirkuxigeenka Wasaarada Aminga Dawalada Puntland Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha Gudaha ee Dawlada Puntland Agaasimaha Guud ee wasaarada Haweenka Puntland Gudoomiyayaasha afrta Degmo ee midoobaysa iyo marti sharaf kale oo aad u mug iyo miisaanba badan,

Gudoomiyaha Degmada waaciye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ugu horayn kulanka kahadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankan uu yahay sidii loo midayn lahaa afrtaas degmo wuxuuuna sheegay in arinkan uu yahay mid kudaysho mudan si loo mideeyo degmooyinka Puntland,

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Amniga Dawlada Puntland Cabdirisaaq Xareed ismaaciil oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid wax weyn ka qaadan kara adkaynta amaanka Deegaanada Puntland Hadii lahelo degmooyin sidan oo kale u midaysan,

Gen Cabdi Yaasiin Xirsi Wasiir Kuxigeenka wasaarada arimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horu marinta reer Miyiga ayaa isna sheegay in degmooyinka kale ee Puntland sidaasi oo kale looga baahan yahay in ay usamayestaan Mataanayn si waxyaalo badan laysaga kaashado,

Munaasabadu intii ay socotay waxaa laqabtay ciyaar Saaxiibtimo oo ka turjumaysa is dhexgalka Bulashada waxaan wada ciyaaray Degmooyinka Ufyan iyo Carmo oo kawada tirsan Gobolka Babri,

Kulankan ayaa Noqonay Kulankii Saddexaad oo ku aada midaynta Degmooyinka Carmo ,Ufayn,Waaciye iyo Degmada Dhahar oo iminka ku soo biiratay ,

Sawiro





Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso

Daalacatey :1527

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print