Kulan ku aadan wacyigalinta tirikoobka dadka oo Bosaso lagu qabtey.

Kulan balaaran oo daahfur u ahaa ololaha kor uqaadida wacyiga dadwaynaha eek u aadan habdhiska diiwangalinta mahuraanka ah ayaa maanta waxa uu kadhacay magaalada Bosaso gaar ahaan xarunta gobolka bari

Waxaana kulankaasi kasoo qayb qatay qaar kamid ah wasiiro katirsan Puntland oo uu kamid ahaa wasiir kuxigeen wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland Sayid Maxamed Cabdule Xasan ,maamulka gobolka bari kan dagmada Bosaso, gudoomiyaasha degmooyinka Ufayn,Iskushuban,Waaciya iyo waliba dadwayne iyagu kakala socda 16ka xaafadood ee magaalada Bosaso .

Barnaamijkaani ku aadan ololaha wacyiga dadwaynaha ee diiwangalinta mahuraanka ah ayaa waxaa wada wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland iyadoo gacan kahelaysa hay,adda UNFPA iyo hay,addo kale oo iayagu kushaqaleh sidii loo diiwan galin lahaa dhacdooyinka mahuraanka ah Sida Dhalashada ,Dhimashada ,Guurka iyo waliba furniinka .

Gudoomiyaha gobolka bari cabdisamad maxamed galan kana mid ahaa masuuliyiintii kasoo qaybgashay munaasibaadsi ayaa sheegay baahida looqabo tirakoob inay tahay mid lagawada dharagsan yahay iyadoo muhiim tahay sida dalalka hor maray ay udiiwangaliyaan  Dhalashada ,Dhimashada ,Guurka iyo waliba furniinka .

‘’Afartaan qaybood ee hada latilmaamay Dhalashada ,Dhimashada ,Guurka iyo waliba furniinka in iyagana lahelo waa lagama maar maan waayo waxyaabaha bulsho lagu qiimeeyo ayay kamid tahay inagu bur-bur badan ayaynu kujirnay 14kii sano ee aynu jirnay Puntland een xogo badan oo daruuri ahaa in la ogaado baad mooda in barnaamijkaani uu xambaarsanyahay ‘’Sidaasi waxaayiri gudoomiyaha gobolka bari cabdisamad maxamed galan

Duqa dagmada Bosaso xasan cabdala xasan waxa uu madasha kasheegay isna in baahi wayn looqabo in dadka loowada sameeyo aqoonsi qofkasta lagu garto waxana uu sheegay gudoomiyuhu in kamaamul ka dagmada Bosaso ahaan ay arintaasi kalashaqaynayaan wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland

Ugu dambayn waxaa madashaasi kahadlay wasiiru dawlaha wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada puntland Sayid Maxamed Cabdule Xasan sheegayna in wasaarada qorshaynta Puntland ay wado tirakoobkii dadka ee Puntland waxana uu qeexay inaan tirakoobkaan Puntland oo kaliya kasocon balse uu kasocda koonfurta iyo waliba maamulka Somaliland oo iyana qorshahan wada .

Bishii August ee sanadkan 2012 waxaa aqoon iswaydaarsi la isku dhaafsanayay qaababka looga hirgalinkaro Puntland habdhiska diiwaangalinta mahuraanka ah uu kadhacay hoolka shirarka ee wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland waxaana kasoo baxay aqoon iswaydaarsigaasi qodobo dhawr ah oo ay kamid ahayd habkii loo diiwan galin lahaa xogaha mahuraanka ah ee dhalashada ,dhimashada ,guurka iyo furniinka inay kabilowdaan goobaha loogu talakalay laga bilaabo bisha janaayo 2013.

Sawiro






Maxamed Xirsi Cabdi {Jabra}
Jabra444@gmail.com
SBC International.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII