Kulan maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan ee waxgaradka gobolkaas, Maamulka iyo xubno ka tirsan ururada bulshada.

Ujeedka Kulankaas ayaa ahaa ka hadalka arrinta sheegasha ergada ka qeyb galeysa shirka ka socda Cadaado qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Mudug.

Waxgaradka, iyo masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa dhamaantood waxay ka duulayeen hadalkii dhowaan ka soo baxay Cadaado ee ku adaana in xadka maamulkaas la aasaasayo uu ku egyahay gobolka nugaal.

Waxay sheegeen in ay taasi tahay arrin lala yaabo, ayna tahay mid aan habooneyn oo ay soomaali ka fileysay.

Nabadoonada qaarkood ayaa ka digay in arrintaasi ay markale ku celiso umadda Soomaaliyeed sanadkii 1991,

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Gaalkacyo ku diyaariyay Wariye C/laahi Yare.