Magalada Garowe waxaa maanta Markii ugu horaysay lagu qabtay kulan  balaaran oo Deeq loogu Uururinayo Gobolka Nugaal Xiliyadda Masiibooyinka rabaaniga ah iyo kuwa ay dadku gacantooda ku samaytaan sidii looga samatabixin lahaa hadii ay ay dhacaan kaasoo ay ka soo qayb galeen Masulinyinta Maamulka Puntland odayasha Dhaqanka Ganacsato iyo Qaybaha bulshada kuwaas oo ku Ururinayey  lacago Sanduuq la soo dhigay goobta uu kulanku ka dhacayey

Wasirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Gen C/laahi Amxed Jamac ilka jiir oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraday in uu barnaamijkaani yahay mid ay maamulka Puntland soo dhawaynyaan Gobolada kalena ugu baaqay in ay mujiyaan ku dasho oo ay isku tashadaan si aysan mar walba wax u waydiisay Ha’yadaha waxaana uu tilmaamay in ay muhiimtahay dadka reer puntland ay iga isku tashadaan isla markaan marka ay wax dhacaan in wax labaadi doono ay ka wanaagsantahay in marka hore laga sii taxadaro

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/xirsi Cali oo Barnaamijkaani Mamulkisu uu soo qaban qabiyey ayaa dhinciisa waxaa uu sharaxad ka bixinayaa lacagahan cida loogu tala galay marka ay masiibooyinka dabicigu dhacaan waxaana uu tibaaxay in ay ugu talagaleen in ay ka sii feejignaadaan dhanka abaaraaha iyo waxii kale oo masiibo dabiici ah iyadoona dadka loogu talagalay ay ka mid yihiin agoomaha iyo dadka aan waxba haysan ee koon furta ku soo barakacay sidii loo caawin lahaa

Dhanka Kale waxaa uu Gudoomiyihuu uu ka hadlay Amaanka Gobolka gaar ahaan Dadka ku haysta Guryahah hubka sharci darada ah, Mar uu arimahaa ka hadlayeyna waxaa uu tilmaayey in fudiga amaanka ee gobolka nugaal ay amar ka soo sareen dhanka hubka guryaha lagu haysto ee sharci darada ah cidii laga helana laga qaadi doono iyada ciidamada amaanka ee gobolka amar lagu siin dono dhawaan isla markaana ay dhawaan dadka kala hadli donoon warbaahinta si ay ugu gudbiyaan qodobada ay soo saareen gudiga amaanka ee gobolka nugaal Inta uu barnaamijka ni socday waxaa dadku ay ku rideen lacagihii ugu horeeyay ee ay ugu deeqen ka hortaga Masiibooyinka.

Filo Sawiro

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe