Waxaa maanta lagu  qabtay magaalda Garowe  kulan balaaran oo  lagu soo bandhigayey barnaamij sahan ah oo lagu ogaanayey tirada caruurta  agoonta ah ee kujira xarumaha agoomaha  ee ku yaala Puntland iyo sida ay tahay xaaladooda nololeed  iyo caafimaad waxaana xog uruurintan iska kaashanayey hay’ada dareelka bulshada Puntland  oo  gacan ka helaysa hayada UNICEF
iyada oo kulanka maanta lagu soo bandhigay in meelaha agoomaha  lagu xanaaneeyo ee ku yaala gobolada Puntland in ay ku jiraan inka badan  labo kun oo  caruur agoon ah.

Agaasimaha  hay’ada dowliga ah ee daryeelka bulshada ee Baswe C/qaadir  Maxamud Guray oo  hay’adiisu xog  uruurinta samaynaysay  ayaa  waxaa uu sharaxaad ka bixiyey inta caruur  agoon ah kujira meelaha agoomaha isagoona sheegay  tirada ay ogyihiin ay tahay labo kun oo ku jira qaar kamid ah magaaloyinka Puntland sida Garawe,Gaalkacyo Qardho iyo gobolka Sool isaga oo intaa ku daray in ay  degmada Carmo ka dhisidoonan meelkale oo agoomaha lagu  hayo

Dhanka kale waxaa uu sheegay kuwa hada ku jiraa xeryaha agoomaha in ay xaq u leeyihiin ay helaan adeegyada  asaasiga u ah nolosha iyo  caafimaad iyo waxbarasho  taam ah,

Waxaanu intaasi ku daray in ay dowlada ka go’antahay  in la socdaan sida ay tahay xaalada caruurta  agoonta ah iyo goobaha  ay ku noolyihiin oo uu sheegay in qaarkood aysan ahayn meelo ku haboon meelaha qarkoodna ay wax ka dhimanyihiin

Wasiiru dowlaha maamul wanaaga madaxtooyada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo isaguna kamid ah madaxda dowlada ee ka qayb galay kulankan looga arinsanayo sidii gacan loogu fidinlahaa agoomaha Putnland oo hadal ka jeediyey madasha ayaa dhankiisa soo dhaweyey wax u qabashada caruurta agoonta ah oo uu sheegay in ay waajibtahay in la  tageero waxaana uu ku booriyey dadka reer Puntland in u istaagan sidii wax muuqda loogu qaban lahaa caruuurta agoonta ah oo uu wasiirku ku tilmaamay mustaqbalka dalka ee Bari .

Isagoo intaasna ku daray in ay ku dayasho mudantahay sida dowlada Jabuuti ay u xanaanayso caruurahooda agoonta ah oo  uu sheegay in ay siiyaan lacagaha sakada ah oo ay u sahasho nolol caaafimaad iyo waxbarasho wanaagsan.

Sahanka noocaan ah ee lagu ogaanayo tirada agoomaha xaraysan ee ku nool Puntland ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Putnland laga fuliyo iyadoona sahlidoonta ay helaan da,yarta agoonta ah  nolol kawanaagsan tii hore waxbarasho tayeysan iyo caafimaad joogta ah.

SAWIRO.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe .