Odayaasha Dhaqanka, Waxgarad, Culimo iyo weliba Masuuliyiinta Maamulka Kumeelgaarka ah ee Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ayaa maanta kulan looga hadlayay sidii maamul mideeya gobolada dhaca galbeedka koonfurta Soomaaliya gaar ahana jubooyinka iyo Gedo si wada jir ah loo sameyn lahaa.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka KMG ah ee Gobolada Jubooyinka Yaasiin Maxamed Radeey ayaa halkaasi kajeediyay hadal isagoona sheegay in maamulkiisu ku guda jiraan abaabulada shirka maamul u sameynta goboladaasi oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Kismaayo,

Waxa uu intaasi ku daray in Ergooyinkii ka qeyb gali lahaa kulankaas ay si dar darleh ugu soo qul qulayaan gudaha Kismaayo ayna ka mid yihiin kuwo ka kala socda beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah.

Laamaha Amaanka gobolka, Odayaal, Waxgarad iyo marti sharaf kale oo meesha ku sugnaa ayaa ka soo kala jeedyay hadalo Muhiim u leh kulankooda maanta iyo sidii si wada jir ah looga qeyb qaadan lahaa maamul loo wada dhanyahay oo ka hana qaada deegaanada gobolada Galbeedka koonfurta Soomaaliya.

Sikastaab ha ahaatee Maalamaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka hirgelinta Maamul ka hana qaada gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

C/mahad Bashiir
SBC International Kismaayo