(SAWIRO)Hay’ada Puntland u qaabilsan xakamaynta iyo ka hortaga cudurka HIV/AIDSka Iyo ururka maxaliga ah ee SYSA  ayaa maanta qabatay kulan loogaga hadlayay tacadiyda  kufsiga ah ee  loogaysto hawaynka iyo saamaynta uu ku leeyahay fiditaanka cudurka AIDSKa waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin kakala socotay wasaaradaha kala gadisan ee Puntland iyo ururada bulshda rayidka ah Wuxuuna haa kulan diirada lagu saarayay sidii loo joojin lahaa kufsiga iyo inuu qay ka yahay fiditaanka cudurka HIV/AIDSka.

Ugu horayntiiba waxaa halkaais ka hadlay cadduur aadan cadduur oo ah Guddoomiyaha ururka SYSA  ayaa  sheegay in barnaamijkaani uu ka socdo dhowr magaalo oo kamid ah deegaanda Puntland loona baahanyahay ka soo qayb galayashu inay fikradahooda ka dhiibtaan uuna yahay mashruucaani mid ka socda guud ahaanab wadamada Geeska Africa dhawaantana ay mid kan la mid ah ku qaban doonaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalkaasi Bari.

Maxamed C/qaadir waa agaasime ku xigeenka Hay’ada PAC Wuxuuna sheegay in si loo xakameeyo cudurka HIV/AIDSka in la ogaado goobaha uu marka horaba ka yimaado isagoona sheegay in cudurkaani uusan ku faafin oo kaliya galmada xaaraanta ah balse uu jiro dhinacyo badan oo kale sheegayna in ay jirto arrin la xallin waayay oo ah kufsiga loo gaysto Gabdhaha taasi oo qayb ka qaadata fiditaanak cudurka AIDSka .

Kufsiga gabdhaha loo gaysto inta badan waxa ay ka dhacdaa guud ahaanba deegaanda ay soomaalidu dagto waana mid lagu xalliyo xiiliyda ay dhacdo caado dhaqameedka soomaalida iyadoona hada la sheegay in kufsigu uu qayb wayn ka qaato fiditaanka cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDSka .

DAAWO SAWIRO

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe