Wasaarada  xanaanada xoolaha Puntlanad ayaa manta  Garoowe ku qabatay shir mudo labo maalmood ah socondoona oo looga hadlayo shahaado siinta caafimaadka xoolaha

Kulanka   ayaa  waxaa  ka  qayb galay wasaaradaha ay  wada  shaqaynta dhanka xoolaha  ah laleedahay wasaarada xanaanada xoolaha  ganacsato iyo  haayadaha   daneeya xoolaha  .

Ugu horayn waxaa hadal kooban oo ku saabsan muuhiimada shirka ka jeediyey  agaasimaha  guud ee  wasaarada  xanaanada xoolaha dr ibraahinxareed cali  waxaana uu ku dheeraday  muhiimada ay xooluhu uleeyihiin nolasha bini aadamka isaga oo  sheegay hadaan caafimaadka xoolaha laga shaqayn uu halis galayo caafimaadka dadka.

Wasiirka wasaarada  xanaanada  xoolaha Puntland  Siciid Xasan Shire ayaa ugu mahad celiyey  wasaaradihii ay shirka ku marti   qadeen sida ay ugu soo qayb galeen  waxaana uu  sheegay  in ay wax badan ka qabteen
caafimaadka xoolaha puntlanad  iyaga oo tiimam dhakhaatiir ah geeyey  goobaha ay xoolaha la dhoofiyaa ka soo galaan puntland hadana ay qorshaynayaan in ay siilaba  jibaaraan howlaha la xiira caafimaadka xoolaha

Wasaaradaha ka qayb galay kulankan waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaarada caafimaadka Dr Cali C/laahi Warsame  waxaana  uu aad usoo dhawayey wadashaqaynta wasaaradaha ee ku saabsan dhanka caafimaadka xoolaha Dr Cali C/laahi waxaa uu sheegay in ay horay ugu wada shaqeeyeen labada wasaaradooda hadana uu balan qaadayo in uu la shaqaynayo wasaarada xanaanada xoolaha .

Wasiirka caafimaadku waxaa uu ka dhawaajiyey in loo baahaanyahay in la helo shaybaar guud oo lamariyo xoolaha soo gala puntland ee ladhoofiyo iyo waliba ku puntland waxaana uu sheegay in uu yaalo qalab badan oo aan wali laga faaidaysan

Ugu dambaybtii wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir ) ayaa dhankiisa soo dhawayey wada shaqaynta wasaaradaha puntland ee ku aadan in kor loo qaado caafimaadka xoolaha puntland ee la dhoofiyo waxaana uu ka dhawaajiyey in loo bahan daryeelo dadka reermiyiga ah iyo xoolahoodaba  C/laahi Axmed Jaamac ilko jiir waxaa muhiim ku tilmaamay dhoofiinta haraga xoolaha uu sheegay in yaraatay

Dhamaanba wasaaradihii iyo ganacsatadii ka qayb galay kulankan ayaa soo dhaweeyey dadaalada wasaarada xanaanada xooloaha iyagoona balan qaaday in ay ka qayb qaadanayaa kor uqaadida caafimaadka xoolaha puntland ee dibada loo iib geeyo oo uu ku tiirsanayahay ganacsigu

Wasaarada xanaada xoolaha ayaa bilihiii ugu dambaysay waday baritaanka iyo dawaynta xoolaha iyagoo kooxo dhakhaatiir ah ukala diray gobolada puntland
FILO SAWIRO
Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe