Waxaa maanta lagu qabtay xarunta hay’ada Puntland u qaabilsan dhanbka cilmi barista ee PDRC kulan wada tashi ah oo socon doona mudo hal maalin ah kaasi oo ay ka soo qayb galeen bulshad ku dhaqan gobalada sool iyo nuugaal kaasi oo loogaga hadlayay dimuqraadiyadaynta Puntland qaybna ka ah barnaamijka ay hay’ada PDRC wado ee hanaanka dimuqraadiyadaynta iyo geedi socodka nabada.

Kulankaani wada tashiga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotay dowlada Puntland iyo qaar ka mid ah guddiga tiirka dimuqraadiyada Puntland .

Wasiiru dowlaha dimuqraadiyadaynta iyo arrimaha federaalka ee dowlada Puntland Dr.cabdi xasan jimcaale oo ka mid ahaa madaxdkii ka soo qayb gashay kulankaasi kana qayb qaadanayay aqoon is way daarsigaani ayaa ka sheekeeyay dowladihii soo maray soomaaliya iyo qaabkii ay u isticmaalayeen dimuqraadiyada sidoo kana sheegay in xukuumada uu madaxwaynah ka yahay c.rimaaan maxamed amxamuud ay balan qaaday in ay Puntland ka hir galin doonto nidaamka dimuqraadiyada iyo asxaabta badan…

Sidoo kale Wasiiru dowlaha dimuqraadiyadaynta iyo arrimaha federaalka ee dowlada Puntland Dr.cabdi xasan jimcaale  waxaa uu shaaca ka qaaday inay Puntland aysan ka gorgortami doonin nidaamyo kale oo aan ahayn nidaamka federaakla ah oo laga hir galiyo gudah wadanka soomaaliya

Waxaa iyana kulankaasi aqoon is waydaarsiga ah ka hadashay wasiirka haweenka iyo arrimah qayska ee Puntland murwo caasho geele diiriye oo ka sheekaysay doorka ay dumarku ku leeyihiin dimuqraadiyada iyo in dumarku ay ka faa;iidaysandoonaan nidaamka asxaabta badan ee loogaga gudbayo habkii ku salaysnaa qabaa;ilka…

Hay’ada PDRC muddooyinkii ugu danbaysa waxa ay waday barnaamij lagu hour marinayo dimuqraadiayda iyo baahinta maamulka iyadoona lagu wado in gabagaba kulankaani laga soosaaro bayaan ku saabsan himilada bulshada ee geedi socodka dimuqraadiyadaynta Puntland.

DAAWO SAWIRADA
 

Yusuf M. Maxamuud  Yusuf  Yare}
SBC International Garoowe