Kulankaani ayaa ka soconayay xarunta horumarinta iyo Cilmi Baarista puntland  ee PDRC muddo labo cisho ah  intiisa badan ahaa mid loogaga doodayay doorka haweenku ku leeyihiin  Dhinacyada siyaasada iyo nabadgalyada waxaana ka soo qayb galay haween iyo aqoonyahano isaga kala yimid guud ahaanab deegaanada Puntland kuwaasi oo kala warqaadashadooda ay Kala qayb gaadanayeen xubno ka mid ah guddiga tiirka nadabada ee Puntland ,guddiga ku meel gaar ah ee doorashooyinka Puntland iyo mudanyaal ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Iyadoona maalintii hore ay ka qayb galayaashu ka doodeen dastuurka loona keenay nuqulo kamid ah Gabadii kulankaasi waxaa ka soo qayb galay wasiiru dowlaha dastuurka ,dimuqraadiyadaynta , iyo arrimah federaalak ee dowlada Puntland Dr.C/ Xasan Jimcaale ayaa sheegay in ay laga maar maan tahay in dumarka laga qayb galiyo arrimah siyaasada iyo Habka shaqada intaba sidoo kalana sharaxaad dheer ka bixiyay habka jinsiga {Genderka} iyo waxa uu yahay oo uu sheegay in uu yahay in laysu miisaamyo raga iyo dumarka xilliyada Shaqada ,siyaasada IWM.

Saynab Xaji Ayaan waxaa ay ka mid tahay mas’uuliyiintii ka qayb qaadanaysay aqoon iswaydaarsigaani waxayna sheegtay in loo baahanyahay in dumarka laga qayb galiyo xilliyada Siyaasada ,nabadgalyada iyo arrimaha bulshada intaba sidoo kala kula daradaarantay laamaha dowlada in loo baahanyahay in dumarku ay door muuqda ka qaataan nidaamka xisbiyada abdan ee lagu wadao in dhawaanta ay Puntland u guurto  “Dumarku waa in ay ka qayb galaan nidaamka xisbiyada badan waana inaad xisbi walba kaga jirtaan mid ka mid ah saddexda jage ee ugu saraysa sidoo kale waad yeelan karta xisbiyo ugaar ah Haweenka wana soo dhawaynaynaa arrintaaasi”sidaasi waxaa tiri saynab.

Sidoo kale intii uu socday aqoon iswaydaarsigu waxaa halkaasi dodo kulul oo ku saabsan habka ugu wanaagsan ee dumarku ugu qayb qaadan karaan arrimah siyaasada iyo guud ahaanab Arrimaha Bulshada ka soo jeediyay dumarkii ka soo qayb galay kulanakasi kuwaasi oo isla raacay in loo baahanyahay in dumarku ay ka qayb qaataan arrimahaani oo idil
 
Tani waxa ay qayb ka tahay dadaalada lagu doonayo in dumarku ay kaga qayb qaataan arrimaha siyaasada iyo xilliyada Go’aan gaarista iyadoona haweenak ak soo qaybglay kulankaani isla Garteen in la kordhiyo tirade dumarka ah ee ka qayb glaysa shirwaynah lagu wado in lagu ansixiyo dastuurka Puntland iyadoona wasiir C/ Xasan Jimcaale uu u qaybiyay haweenki shirkaani Ka sooqayb galay dastuurka Puntland.

 Sawiro








Yusuf Maxamed Maxamed Yusuf {Yare}
SBC International Garoowe