Garoowe oo lagu soo bandhigay Buug Cusub oo loogu magacdaray Hagaha Macalinka

Shirkaan oo dib u eegis loogu samaynayno buug cusub oo layiraahdo hagaha macalinka  oo dhawaan ay soo saartay hayada cilmibaarista Puntland u qaabilsan PDRC oo kaashanaysa wasaarada waxbarashada Puntland iyo hayado caalami ah kaasi oo la doonayo in lagu daro manhajka waxbarashada Puntland.

Waxaa ka qayb galay gudoomiyaasha waxbarashada gobolada, maamulayaasha dugsiyada sare iyo macalimiin gobolada ka kala yimi si ay talooyin uga dhiibtaan maadama ay iyagu ku shaqayn doonan

Waxaana furitaankii kulankan ka qayb galay madaxada wasaarada waxbarashada iyo hayada PDRC oo soo saartay buga hagaha macalinka .

Agaasimaha hayada cilmi baarita Puntland ee PDRC C.rixmaaan Cabadule Shuuke  oo madasha hadal ka jeediyey ayaa kawaraya waxa buugan cusub uu ku soo kordhiyo macalimiinta iyo sababha looga goleeyahay

Maxamed Cabdi wahaab Axmed agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland  ayaa dhankiisa macalimiinta kula dardaarmay in ay  talooyin ku biiriyaan bugan madaama ay iyagu yihiin cida uu sida tooska ah u taabanayo kuna dhaqmi doontar

Maalamaha socda ayey macalimiinta iyo gudoomiyaasha waxbarashada gobolada Puntland ka doodi doonan buugan talooyina ka dhiiban doonan waxaana ay noqonaysa markii ugu horaysay oo manhajka waxbarashada Puntland lagu daro buugan hagaha macalinka oo ay ku qorayihiin arimo ay kamid yihiin maamul wanaaga  nabada iyo dibmuqraaidayada.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII