Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiina degmada Bosaso Nabadoono gudiyada Lix iyo toban Xaafadood ee magaalada Boosaaso Lamaha amaanka iyo bulshada rayidka ah

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidoo layskaga kaashan lahaa adkaynta amaanka guud ee degmada Bosaso waxaan kulanka soo abaabushay Dowlada Hoose ee magaalad Bosaso .

Dadkii kahadlaya madasha ayaa dhamaantood ku dheeraaday muhiimada ay leedahaya ka shaqaynta amaanka magaalada Boosaaso .

Xildhibaan Murasal Maxamad oo ah gudoomiyaha gudiga amniga gudiga joogtada ah ee golaha deegnaka Bosaso ayaa sheegay in lawado qorshe Tabeelooyin ama aagag loogu sameyno  xafadaha ku yaala magaalada Bosaso si ay hubanti u noqoto adagaynta amaanka magaaladabosaso wuxuuna sheegay in looga baahanyahay gudiyada xaafadaha magaalada bosaso in ay ka qaybqaataana ka shaqaynta amaanka magaalada Boosaaso.

Khadro Maxamuud Dhuungale oo ah Gudoomiyaha haweenka degmada Bosaso ayaa sheegtay in haweenku ay qaadanayaan doorkooda kaga aadan adkeynta amaanka magaaladabosaso waxayna sheegtay in haweenku ay door mugleh kaqaataan hawlha amaanka.

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo kulankaasi soo gunaanaday ayaa ku dheeraaday muhiimada amaanka wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in layska kaashado adkeynta amaanaka .

Xasan Cabdalle Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in guryaha la kireeynayo laga diiwaan galiyo Dowalada Hoose si loo ogaado dadka deg .

Duqa ayaa sheegay in muhiimada kulankan ay ahayd in dadka xaafadaha loo sameeyo dariseeyn si loo ogaado dadka guryaha laga kireeyo iyo dadak degan gurayaha si loo sugo amaanka magaalada Bosaso .

maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray wacyigalino la xiriira ka shaqeynta amaanak Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso waxaan wacyigalintaasi waday Culimada Puntland iyo Dowlada  .

Daawo Sawirada





Cismaan Saalax Ismaaciil

SBC International Boosaaso