Kulan oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa loogaga hadlayeey xoojinta amaanka Magaalo Ganacsiga Puntland ee Bosaaso waxaana uu kadhacay xarunta Dowada hoose ee magalada Bosaaso.

Kulanka xoojinta  aminga Bosaaso looga hadlayey waxaa ka sooqeybgalay masuuliyin Kasocota Wasaarada Amiga Putland, Maamulka gobolka  Bari,  iyo kan Dagmada Bosaaso, Xldhibaano,  Nabadoono , iyo Masuuliyiinta Lix iyo Tobaka Xafadood  ee Bosaaso iyo waliba uruurada haweenka.

Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka socda  Lix iyo Tobanka Xaafadood ee Magalada Bosaaso iyagoo Balan Qaaday in ay Lashaqeynayaan Ciidamada Amniga si amaanka loo sugo.

Sidoo Kale Kulankaasi waxaa Kahadlay Duqa Magalada Bosaaso Xasan Cabdale Xasan oo sheegay Ahmiyada ay leedahay Wada Shaqeynta Dhexmarta Gudiga Xafadaha Bosaaso iyo Ciidamka Aminga.

intii uu kulanka socday waxaa khudbado dhaa dheer ka jeediyeey uu Masuuliyiin uu ka mid ahaa Barkhad Cali Saalax oo ah Xubin  ka tirsan Gudiga Dastuurka Puntland oo sheegay in ay Shacabku ay wax walba Kaga qeybqadankaraan Aminga.

Waxaa kaloo Kulanka ka hadlay Gudoomiyaha gobalka  Bari Cabdi Samad Maxamed Galan oo  ugu baaqay Shacabka ku dhaqan gobolka Bari  Gar ahaan dagmada Bosaaso in ay xoojiyaan sidii ay uga qeybqadan laheeyeen Nabadgalyada degmada Bosaaso.

Kulankan ayaa waxaa iyagana ka hadlay Nabadoonada gobalka Bari oo iyagana Shacabka Kuladardaarmay in ay Qeyb weyn kaqataan  Xoojinta Aminiga ,Sidoo kale Qaarkamid ah Haweenkii kulankaasi kaqeybgalay ayaa halkaasi Kajeediyeey Buraan buro kahadlay Fa, idadu ay Nabadu leedahay.

Ugudambeyntii kulankaasi waxaa soo xiray  Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland  C/risaaq Xareed  oo isagoo hadalkiisa ku Dheeraday oo sheegay in ay Reer Bosaaso ay iyagu ay   inta badan Masuul kayihiin  wixii kadhacay Bosaaso  Sababna uga dhigay in shacabku  Aywaxa walba ay Qabankaraan.

Sawiro



Casiiso Muuse C/kriin
SBC International Boosaaso