Waxaa maanta ka furmay xarunta wasaarada cadalada iyo arimaha diinta ee magalada Garawe aqoon iswaydaarsi ay ka qayb galayaan inka badan 30qof oo isugu jiira culuma awdiin, odayaasha dhaqan, iyo ururada Haweenka oo kala yimi gobolada  degmooyinka Puntland mudada uu tababarku socdana waxaa diirada lagu saaridoonaa xalinta khilaafaadka iyo xoojinta nabada dadka ka qayb galayana waxaa ay kala yimaadeen gobolada nugaal, bari ,mudug karkaar iyo degmooyin ay ka mid yihiin galdogob , xumbays

Faadumo Abshir Gayre oo ka socotay hayada NCA oo iyadu tababarkan fulinaysa ayaa sharaxday muhiimada laga faaidayo aqoon iswaydaarsigan waxaana oo ay sheegtay in muhiimadiisa ugu wayni uu yahay sidii dadkan oo laga soo xulay bulshada punland loogu samaynlahaa waayo aragnimo ku saabsan xalinta iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo xoojinta nabada punland .marka ay dhamaystaana looga fadhiyo in ay kula laabtaan aqoonta ay faaideen deegaanada ay ka yimaadeen hadhowna ay iska kaashadaan waxii khilaafaad ah ee looga baahdo in ay xaliyaan meel kasta oo puntland ah ka dhacee

Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo arimaha diinta ee Puntland  C/khaliif Xaaji Xasan Ajaayo oo  si rasmi ah u furay tababarkan ayaa ku booriyey culumada iyo odaayasha  dhaqanka in xoojiyaan ka shaqaynta  ayna muhiim tahay in laga gudbo dhibaatoyinka qabiilku gaystay  mudadii dowlada la.aantu ka jirtay somaliya  isla markaana uu ku boorinayo dhamaan dadka Soomaliyeed gaar ahaana reer Punland in ay u jihaystaan dhanka hormarka halkii aad kaga habsaami lahayeen qabiil iyo colaado aan dhamaan oo soo noqnoqda

Tababarkan oo socon doona muda sedex cisho ayaa ka qayb galayaasha waxaa looga faaidayn doona siyaabaha khilaafaadka loo xaliyo iyo muhiimada ay leedahay  xoojinta nadgalyada deeganada ay ka yimaadeen  .



Maxamed Siciid Yuusuf

SBC International Garoowe