Kulan soconaya 2 malamood oo loga hadlayey caqababdaha hortagan furashada xisbiyada siyada Puntland oo ka furmay Garowe.

Kulanka oo ay soo qaban qabiyeen dalada ay ku midaysanyihiin ururda rayidka Puntland ee PUNSA ayaa waxa kasoo qayb galay dad laysaga keenay dhaman gobolada Puntland.

Kulanka ayaa waxaa diirda lagu saarayaa xal uhelida caqaabhada hortagan in lafurto xisbiyo siyaseda Puntland iyadoo ay gudiga dorashoyinku ku dhawaqeen 2 laba bilood kahor in la furankaro xisbiyada siyasada.

Agasimaha fulinta dalada punsa Maxamed Cabdi xaliim ayaa sheegay inay qaateen inay muhiim tahay in sameeyeen kulan loga hadlayo waxyaabaha hortagan in la furto xisbiyada waxana uu intaas ku daray in darasado ay sameeyeen ku ogaadeen in baahi loo qabo ka gudbida habka qabailka islamarkaana loo guuro barnamijka xisbiyada badan ee Puntlnad.

Kulankan ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo ay ka harsantahay wakhti aad u kooban xiligii uu soo afjarmi lahaa furashada axsaabta siyasaded ee Puntland.

Sawiro





Samiiro C/raxmaan
SBC International Garoowe