Kalanka ayaa waxa uu kadhacay hoolka shirarka ee gabolka Bari ee magaaladan boosaaso waxaana ka soo qeybgalay Nabadoono iyo odayaal  katirsanaa dagmadada Bargaal iyo Caluula ee gobalka Bari.

Kulanka ayaa ahaa mid uu soo qaban qaabiyeey wasiirka wasarada beeraha iyo waraabka dowlada Puntland Eng Maxamuud Xaji Salaax, waxaanu ugu horeyn halkaasi ka jeediyay hadal ku aadan waxa uu kulankani ku saabsanyahay.

Wasiirku waxa uu sheegay ujeedada shirka in uu yahay ka hadlida dilkii alaha unaxariistee xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf oo lagu dilay degmadada Bargaal ee gobalka Bari

Sidoo kale wasiirka beeraha iyo waraabka   Puntland ayaa xusay in nabadagalyadu ay tahay shey aad uwanaagsan layskana ilaawo  dhacdadii hore  oo aan waxbo laga sooqaadiin, kulana dardaarmay odaysha iyo cuqaasha  kasoo qeybgalay kulanka  in ay dadar galiyaan  nabadada ayna aad u keeyaan.

Intii uu kulanku socaday waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mida    nabadoonadii kasooqeybgalay kulan kaas  nabadoon  Siciid Maxamuud oo hadlay aya sheegay in  xildhibaan  Bile uu ahaa nin  bulshada oo dhan ka baxay isagoona sheegay in ay san jirin dhib tii horana ay xaliyeen mar walbana  aay ku dadaalidoonan doorka nabada ka qadankaraan.

Waxaa sidoo kale goobta kahadlay   mid ka mid ah odayasha  kulankan kasooqeybgalay maxamed yusuf maxamuud waxaana  uu sheegay in ay tahay nabadu  wax  fiican    hadana aysan jiriin wax dhibaato  ah oo kataagn dhacdadii horana ay xalinayaan  ayna ku dadaalayaan sidii ay ugu qeebqadan lahayeen  nabadada.

Gabgabadadii kulankan waxaa  soo xiray wasiirka wasarada beeraha iyo waraabka dowladada  Puntland Eng Maxamuud Xaaji Salax oo ugu baaqay odayshii kulanka kasooqeybgalay in ay joojiyaan coladada kataagan xaliyaana wax alaale wixii khilaaf ka imankaro.

Daawo Sawiro




Casiiso Muuse
SBC International Boosaaso