Kulankaan oo ahaa mid lays weydaarsanayey talooyin iyo tusaale sidii loo ilaalin lahaa degaanka ayaa waxaa iska kaashanayay hay’ada Foa iyo weliba wasaarada degaanka ,duurjoogta iyo dalxiiska Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay kulankaas wasiirka wasaarada deganka ,duurjoogta iyo dalxiiska Puntland Cabdiqani Yuusuf Cade xubin ka socotay hay’ada FOA iyo dadyow ka kala yimid degmooyinka ay ka koobantahay gobolkan Bari

Ugu horayn waxaa ka war bixiyey kulankaan wasiirka wasaarada deegaanka ,durjoogta iyo dalxiiska Puntland Cabdiqani Yuusuf Cade oo sheegay in kulankaan ay u jeedadiisu tahy in la sameyo xog ururin ku aadan sidii loo ilaalin lahaa deganka

Ajandayaasha la gadulaayo ayaa waxa ay noqon doonaa joojinta  jarista dhirta Ilaalinta ugaadha iyo ka faa iidaysiga biyaha roobka 

Kulankaan Maanta furmay ayaa noqon doona mid ay ka soo baxaan sida la rajeynayo faaiidooyinka waxyaabaha lagu falanqeynayo waxaana uu socon doonaa mudo dhan afar maalmood .

Sawiro



Ibraahim Maxamuud
SBC International Boosaaso